April 29, 2017 | Posted by admin

Wasiirka warfaafinta ee Xukuumada Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa Maanta Xafiiskiisa Ku qaabilay Agaasimayaal Warbaahineed.

Eng Yariisoow oo qaabilay Agaasimayaasha warbaahinta Madaxa Banaan ayaa kala hadlay arima badan oo ay ka mid yihiin Sharciga Saxaafada.

Wasiirka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la ogaado in Saxafiyiinta Madaxa Banaan ay ku qanacsan yihiin Sharciga Saxaafad Madaxa Banaan Maadaama Dowladii Hore ee Xasan shiikh Maxamuud ay ansixisay Sharciga Saxaafada.

Tilaabadaan ayaa ah mid uu ku doonayo Wasiir Yariisoow in uu garab buuxda Ka helo Bahda Saxaafada Maadaama saxaafadu ay Tahay mid wax dhista waxna Dumisa.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS