July 9, 2014 | Posted by admin

Wasiirka warfaafinta xukuumada Somalia, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa faahfaahin ka bixiyey qaabkii uu dhacay weerarkii xalay lagu qaaday xarunta madaxtooyada Somalia oo masuuliyadiisa ay sheegatay Al-Shabaab.

Dhuxulow ayaa sheegay in kooxo wata gaari NOAH ah ay isku qarxiyeen koontroolka laga ilaaliyo madaxtooyada, halkaasna lagu celiyay kooxihii weerarka soo qaaday.

“Ragga weerarka soo qaaday waxay wateen gaari NOAH ah iyagoo isku soo ekeysiiyay dad shacab ah, laakiin markii lagu joojiyay koontaroolka ayay baabuurka ka dageen oo ay qarxiyeen, iyagoo isku dayay inay galaan xarunta madaxtooyada, balse nasiib-wanaag ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa horjoogsaday isku-daygaas. Afar ka mid ah kooxahaas waa la dilay waxaana la qabtay isagoo dhaawac ah darawalkii gaariga u waday” ayuu wasiirka oo la hadlayey BBC-da.
;

“Weerarka waxaa lasoo qaaday intii aan xilliga afurka la gaarin. Falkaanna wuxuu ka mid yahay falalka foosha xun ee ay argagaxisadu geysnayaan bishan Ramadaan, waana qorshayaal ay ku doonayaan inay ku burburiyaan nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya. Ciidamada ammaankuna waxay ku guuleysteen inay is-hortaag ku sameeyaan weerarkaas, wuxuuna la mid yahay weerarkani kuwii horay ay ugu guul-darreysteen oo kale.” ayuu intaa ku daray wasiirka.

Wasiirka ayaa xusay in argagaxisadu ay caalamka oo dhan khatar ku yihiin, loona baahan yahay in caalamku xal wadajir ah ka gaaraan. Isagoo hadalkiisa ku daray in dowladda Soomaaliya ay fulinayso ballanqaadkeedii ahaa la-dagalanka argagaxisada, beesha caalamkana ay uga fadhiyaan inay gacan ka siiso howshaas.

Hadalka wasiirka ayaa ka dambeeyey weerar socday muddo saacado ah oo xalay lagu qaaday xarunta madaxtooyada Somalia, iyadoo xalay fiidkii la maqlayey qaraxyo waaweyn iyo tacshiirado ka dhacaya nawaaxiga xaruntaas.

COMMENTS