September 26, 2016 | Posted by admin

Waxaa Maanta iscasilay Wasiirkii Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud xasan Soocadde, waxaana sidaas uu maanta u xaqeejiyay warbaahinta.

Wasiir Soocadde ayaa sheegay in uu isku casilay Arrimo isaga u gaar ah faah-faahin intaas ka badana ma bixin.

Waa sax waan iscasilay, waxaana isku casilay arrimo ii gaar ah, dawladu waa dawladaydii wadankuna wa wadankaygii ”Ayuu si kooban ugu yiri Wariye ka tirsan PuntlandOne.com oo Garowe ku sugan.

Iscasilaada Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland ayaa kusoo beegmatay xili mudooyinkii dambe la hadla hayay isku shaandhayn lagu samaynayo Gollaha Xukuumadda Puntland taas oo la xariira dardargalinta shaqada Wasaaradaha Maamulkaasi.

Maxamed daacad Muqdisho.

COMMENTS