October 16, 2012 | Posted by admin

Wasiirka Gashandhigga iyo taliyaha ciidamada XDS oo ku sugan magaalada Marka ee xarunta G/Sh/Hoose ayaa kulan la leh bulshada ku nool halkaasi.

Wasiirka Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise iyo Taliyaha ciidamada XDS Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo booqasho ku maraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay soo kormeereen ciidamada ku jira difaacyada hore  iyo dhamaan deegaannadii laga xoreeyay maleeshyaadka Shabaab iyo Al-qaacida.

Wafdiga oo hadda ku sugan magaalada Marka ayaa waxa ay kulan la leeyihiin qeybaha bulshada ee magaaladaasi, iyagoo kala hadlaya sidii loo kordhin lahaa wadashaqeynta ciidamada iyo shacabka iyo haddi ay jiraan wax dhibaato ah oo ay u geysteen ciidamada wixii ka dambeeyay markii laga saaray halkaasi gowracatada Shabaab.

Kulamadaasi ay mas’uuliyiintu la yeeelanayaan bulshada ku nool magaaladaasi ayaa waxaa goob joog ka ah mas’uuliyiinta maamulka Sh/Hoose iyo kuwa degmada Marka, waana safarkii ugu horreeysay ee mas’uuliyiintaasi ku tagaan Magalada Marka tan iyo markii ciidamadu la wareegeen gobolkaasi.

COMMENTS