January 3, 2013 | Posted by admin

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim Xaaji Fiqi ayaa faah faahin ka bixiyey socdaal uu ku joogo magaalada Bayadhabo ee xarrunta gobolka Baay oo uu shalay gaaray.

Wasiirka gaashaandhigga oo uu la socdo taliya ciidamada xooga dalka Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali iyo saraakiil kale ayaa sheegay inuu Baydhabo geeyey mushaarka ciidamada Soomaaliya ee ku sugan Baay iyo Bakool.

“Waxaan u keenay ciidamada mushaar ay dowladda ugu talagashay, waana la siin doonaa meel walba ay joogaan” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo la hadlay idaacada dowlad ee Radio Muqdisho.

Wasiirka difaaca Soomaaliya C/xakiim Xaaji Fiqi ayaa dhanka kale sheegay in dhawaan la qaadin doono howgal ciidan oo sida uu yiri Alshabaab looga saarayo Baay iyo Bakool meelaha ay uga hareen.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha ciidamada ee ku sugan Baydhabo ay ka wada hadleen howl gallada ka socda goboladaas, isagoo tibaaxay in la isku furi doono wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

“Socdaalkeyga wuxuu qeyb weyn ka yahay sidii loo dardar gelin lahaa howl gallada ka socda gobolada dalka ee ay ka wadaan ciidamada qalabka sida” ayuu sidoo kale yiri wasiir C/xakiin Fiqi.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa shalay gaaraya magaalada Baydhabo, isagoo xilligaas ka horna tegay Jowhar, Marko, Garbahaarey, Kismaayo iyo Baydhabo.

COMMENTS