November 20, 2012 | Posted by admin

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa faah faahin ka bixiyay howlaha ugu soo horeeya ee ay wasaaradiisa qaban doonto, maalin kadib markii uu si rasmi ula wareegay Xafiiska.

Isagoo xalay ka qeyb galay barnaamij ka baxayay Telefishinka SNTV iyo Radio Muqdisho ayuu sheegay in wasaaradiisa ay hiigsaneyso istiraatiijiyad cusub oo ku wajahan tayeynta Ciidamada iyo la dagaalanka Shabaab.

“Waxaan dejin doonaa istiraatiijiyad cusub, sidii meelaha fara ku tiriska ee ay ku hareen Al-Qaacida uga saari laheyn, qorshahaas meel wanaagsan ayuu marayaa” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.

C/xakiin Fiqi ayaa sheegay in dhowaan ay qorsheynayaan inay la wareegeen magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe halkaasoo ah magaaladii ugu weyn ee ku hartay gacanta Al-Shabaab, marka laga reebo degmooyin iyo deegaano kale.

“Mar aan fogeyn Jowhar waxay soo geli doontaa gacanta dowladda, abaabulkeeda waa socdaa, meelo kale ayaa jira oo ka mid ah Jubada Dhexe, sida Bu’aale, qorshe ayaa iyana loo dejin doonaa” ayuu yiri C/xakiin Fiqi.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa maalin ka hor gaaray deegaanka Garsaale oo qiyaastii 20-KM u jira magaalada Jowhar, iyadoo Ciidamadan oo aad u fara badan qorshahooda yahay inay galaan magaalada Jowhar oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Tan iyo horaantii sanadkan ayaa ciidamada dowladda iyo AMISOM waxay kala wareegayeen Al-Shabaab deegaano ku yaala Koofurta Soomaaliya oo aad muhiim u ah.

COMMENTS
  1. hanad said:

    waan ku faraxsanahay kartida w gashandhiga iyo hawlkarnimadisa ilahay haku guleeyo