March 6, 2012 | Posted by admin

Wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo Ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka ahna wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa goor dhow u anbabaxay magaalada Garhabaareey ee xarunta gobolka Gedo, si ay kormeer ugu soo sameeyaan deegaannadii ugu dambeeyay ee Al-Qaacida laga xorreeyay.

Wefdiga uu hoggaaminayo Ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka ahna wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya mudane Xuseen Carab Ciise, ayaa waxaa ka mid ah wasiirro uu ka mid yahay wasiir Maaliyadda iyo Lacagta, taliyaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo masuuliyiin kale.

Wefdiga ayaa sidoo kale waxaa markii ugu hoorreysay qaar ka mid ah saxaafadda Muqdisho la geeynayaa magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo, iyadoo la filayo in wefdigaasi ballaaran uu kormeer ku tago deegaanno badan oo gobolka Gedo ka tirsan.

COMMENTS