November 18, 2012 | Posted by admin
Munaasabad maanta ka dhacday Iskoolka Janaral Kaahiye ayaa waxaa xilalka kukala wareegay Wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukumadii KMG aheyd iyo Wasiirka Cusub ee arimaha gudaha.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin badan oo katirsan Dowlada Soomaaliya kuwaas oo goobjoog ka ahaa halka ay ka dhaceysay xil wareejintaan.

Waxaana ugu horeyntii halkaasi ka hadlay Wasiirka arimaha gudaha Xukumadii hore ee KMG aheyd Cabdi Zamad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax waxaana uu ku dheeraaday kahadalka iyo ka sheekeynta intii uu soohaayay xilkaan marxaladihii uu soomaray, isagoona sheegay inuu soomaray xiligii uu haayay xilkaan arimo badan haba u badnaadaan dhanka amaanka isgoona ugu dambeentii sheegay in uu xilkii wasiirka arimaha gudaha uu maanta ku wareejiyay wasiirka cusub ee Wasaarada arimaha gudaha Xukumada Ra’isla Wasaare Saacid.

Waxaana uu sheegay Cabdi Zamad Wasiirkii hore ee arimaha gudaha inuu la shaqeyn doono Xukumada Cusub islamarkaana uu cadeeyay in uu garabtaagan yahay markasta wasaarada arimaha gudaha ee xukumada cusub ee Soomaaliya lana shqeyndoono.

Waxaa sidoo kale halkaasi kahadlay Wasiirka wasaaraha arimaha gudaha Xukumada cusub ee Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseyn Guuleed waxaana uu marka hore u mahadceliyay Wasiirkii hore arimaha gudaha isagoona ugu mahadceliyay qaabka quruxda badan oo uu xilkaan ugu wareejiyay, waxaana uu halkaasi ka sheegay in uu xilkaan uu ku dadaali doono islamarkaana uu siwanaagsan u ugudandoono sida uu sheegay.

Waxaana uu shaaca ka qaaday Cabdi Kariin Xuseyn Guuleed wasiirka arimaha gudaha xukumada cusub ee Soomaaliya in Xukumad Cusub ee Soomaliya ay waxbadan kaga badalnaan doonto Xukumadii hore oo ayna waxbadan kabadali doonto Xaalada uu haatan Dalka kujiro.

Xukumada cusub ee Ra’isal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxa ay shacabka Soomaaliyeed ka dhursugayaan waxa ay ka badasho xaalada Dalka Soomaaliya uu haatan kujiro iyo waxa ay kaga duwanaato xukumadihii Dalka horey u soomaray.

COMMENTS