March 16, 2017 | Posted by admin

Wasiirka Ciyaaraha ee Dowlada Hirshabeelle Cabdi qani Cabdullaahi Jeenyo oo Maanta La hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Waxbadan laga bedeli doono Ciyaaraha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Cabdi qani Cabdullaahi Jeenyo Wasiirku waxa uu sheegay in waxbadan laga bedeli doono Qaab ciyaareedka Dhanka Kubada Cagta ee Maamulka Hirshabeelle.

Waa Muhiim in xiligaan la kordhiyo ciyaaraha Deegaanada Maamulka Hirshabeelle, Waxaan Tababari doonaa Dhamaan Dadka doonaya in ay ka qayb qaataan Sportiga Dowlada Hirshabeelle.

Waxaan sameen doonaa in la Sameeyo Garsoorayaal caalami ah waxaana soo dhawayn doonaa Qof kasta oo Xiisa uqaba Garsoorka Ciyaaraha ee Hirshabeelle.

Hadalka wasiirka Ciyaaraha Hirshabeelle Cabdi qani Cabdullaahi Jeenyo ayaa imaanaya xili dhawaan la ansixiyay Golaha wasiirada ee Maamulka Hirshabeelle hadana ay shaqa bilaabeen.

Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS