January 10, 2018 | Posted by admin

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada ee  Xukumadda Soomaaliya iyo Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta si wadajir xariga ugu jaray Xarunta taliska Ciidanka Asluubta ee Muqdisho.

Xaruntaan oo Maal mahaan Dhisma Lagu Weday ayaaa  in muddo ah burbursanayd balse talisku uu dib u dhisku sameeyay.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya Avv Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa maanta si wadajir xariga ugu jaray Xarunta ugu weyn Taliska Ciidanka Asluubta oo in muddo ah burbursanayd.

Xaruntan oo ku taalla waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ay ahayd mid muddo dheer bur bursaneyd waxaana hadda dib u dhis ku sameeyay Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Halkaan Ka Daawo Sawirada.

 

COMMENTS