October 17, 2017 | Posted by admin

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Turkiga Mudane Ahmet Demircan ayaa booqday qaar kamid ah isbitaallada ku yaalla Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga oo ay ku jiraan dad dhibanayaal ah oo Muqdisho laga qaaday.
Dadkaan uu Booqday wasiirka Caafimaadka Turkiga ayaa Ku wax yeeloobay Qaraxii Cuslaa ee dhawaan ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan Isgooska Zoobe.
Wasiirka ayaa sheegay in dadkaan Turkiga Loo keenaya Daryeel caafimaad Islamarkaana Gurmad deg deg ah Loo qaban doono.

Isbitaallada uu Booqday ayaa waxa ay kala yihiin Polatli, Numune iyo Gulhane oo intuba ku yaalla turkiga, Gaar ahaan Magaalada Ankara.
Wasiirka Caafimaadka Turkiga ayaa shal soo gaaray muqdisho waxaana suurta gashay in Dad qaba dhaawacyada cul culus in turkiga loo qaado.

 

COMMENTS