November 27, 2012 | Posted by admin

Raysul wasaare ku-xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta magaalada Nairobi waxay kulan kula qaadatay raysul wasaaraha Kenya Raila Odinga iyo dhiggeeda Kenya Sam Ongeri.

Marwo Fowsiyo oo warbaahinta la hadashay kulanka kaddib ayaa sheegtay in kulanka uu ku saabsanaa xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo xoojinta dedaallada lagu nabadeynayo Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa tilmaantay in is afgarad ah uu ku soo dhammaaday kulanka ay la qaadatay mas’uuliyiinta Kenya.

Dowladda Kenya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay casuumaad rasmi ah u samayso madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda booqasho ku jooga dalka Jabuuti.

COMMENTS