Muqdisho-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Qurba Joogta Soomaaliyeedlooga baahan yahay in ay dalka dib ugu soo laabtaan si ay uga qeybqaataan dib u dhiska iyo horumarka Dalka, kadib kulan ay magaalada London kula qaatay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska.
Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan wasiirka arrimaha dibadda oo safar shaqo ku joogta Magaalada London ayaa tilmaamtay in dalkeena uu yahay qani, ayna ka buuxaan kheyraad farabadan balse dadka Soomaaliyeed looga baahanyahay sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen.
Marwo Fowsiyo ayaa sidoo kale sheegtay in dowladdu ay ka shaqeyneyso Amaanka iyo Hurumarka dalka, iyadoo qurbajoogta Soomaaliyeed ku boorrisay in ay usoo jeestaan Horumarinta dalkooda intii ay maalgashan lahaayeen waddamo shisheeye.
Safarka wasiirka ay ku joogto Dalka Britain ayaa gogol xaar u ah safar uu Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu bisha May ee sanadkan ku tegidoono dalka Britain.

All Posts
BBC 0400 GMT








