July 24, 2014 | Posted by admin

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad lagu sagootinayay Safiirkii hore ee Jamhuuriyadda Turkey u qaabilsanaa Soomaaliya ambassador Dr. Cemalettin Kani Torun , laguna soo dhoweynayay danjiraha cusub ee u sharaxan inuu badalo Safiirkaasi Mr. Olgan Bekar oo hore u ahaa agaasimaha waaxda bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkey , taasoo ka dhacday garoonka diyaaradaha caasimadda Muqdisho.

Munaasabadan oo ay ka qeybgaleen Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada H.E. Said Jama Ali Qorshel ,Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Abdullahi Dool Mohamed iyo mas’uuliyiin kale , ayaa hadal uu ka jeediyay madashaasi Wasiir Dr. Abdirahman D. Beileh waxa uu ammaanay kaalinta ay ka qaadatay dowladda Turkey arrimaha Soomaaliya , waxa uu yiri “Soomaalidu waxa ay xusuusan tahay maalintii Ra’iisul wasaaraha Turkey H.E. Recep Tayyip Erdoğan uu yimid Caasimadda Muqdisho 19 August,2011 , sida uu ahaa xaalka Caasimadda iyo waxa iska badalay , waxaad ogsoontihiin in Safiiradu ay ku soo qulqulayaan dalka , ganacsigana uu kobcay , ammaankana uu ka soo kabanayo sidii hore”.

Dhankiisa , Safiirkii hore ee Turkey u qaabilsanaa Soomaaliya Dr. C.Kani Torun ayaa waxa uu sheegay in Muqdisho ay tahay gurigiisa labaad , waqtiyo adagna uu la soo qaatay dadka Soomaaliyeed , waxa uuna yiri “ dowladda Turkey waxa ay sii wadi doontaa iskaashiga iyo danaha wadaagga ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya,waxaan xoojin doonnaa mashaariicda horumarinta iyo taageerada aan siinno Soomaaliya”.

Ambassador Kani Torun ayaa ammaanay isbadalka ku yimid hanaanka nabadgelyada caasimadda Muqdisho , isagoo ku sheegay in xaaladdu ay ka wanaagsan tahay sidii hore.

Gaba’gabadii munaasabadda, Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Gaadiidka oo ay wehlinayeen safiirkii hore iyo safiirka cusub ee u sharaxan xilka Safiirka Jamhuuriyadda Turkey ee Soomaaliya ayaa waxa ay booqdeen dhismaha cusub ee ka soconaya garoonka diyaaradaha Muqdisho oo shirkad Turkey ah ay fulineyso .

COMMENTS