December 24, 2012 | Posted by admin

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. Shariif Sheekhuna Maye iyo saraakiisha ammaanka ayaa xalay saqdii dhexe kormeero ku sameeyay qaar ka mid ah isgoysyada magaalada Muqdisho.

Kormeerkan oo ahaa kii u horeeyay oo uu Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ugu kuur galayay xaalada ammaanka ayaa waxaa ka qeyb qaatay Ciidamada booliska Soomaaliyed, Booliska AMISOM, Ciidamada nabadsugida iyo ciidanka xooga dalka.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu bilowday howlgal lagu xaqiijinayo ammaanka, kaasoo habeen iyo maalin ka sameyn doonaan Caasimada Muqdisho, isagoo xusay in Ciidamada kala duwan iyo Booliska AMISOM ka qeybqaadan doonaan roondooyin ay ku sameynayaan Isgoysyada magaalada iyo saldhigyada booliska.

“Waxaan bilownay barnaamij lagu sugayo ammaanka, degmooyin dhowr ah oo aan xulnay ayuu ka bilowday, waxaa ka qeyb qaadan doona Ciidamada booliska AMISOM, booliska Soomaaliyed iyo ciidamada kale, waxaana kormeerkan uu yahay mid habeen iyo maalin amniga lagu xaqiijinayo” ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed.

Intii uu kormeerkan socday ayaa wasiirka iyo saraakiisha wehlisay waxay tageen Isgoysyada degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Wardhiigley, iyadoo isgoys walba ay joogeen ciidamada booliska Soomaaliyeed.

Dhowr habeen ka hor ayaa madaafiic lagu soo tuuray Xarunta Madaxtooyada, waxaana ku dhimatay haweeney, halka afar caruur ay ku dhaawacmeen.

Waa kormeerkii u horeeyay ee Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka ku sameeyo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho xilli habeenimo ah, tan iyo markii loo magacaabay xilka wasiirnimo.

COMMENTS