February 17, 2013 | Posted by admin

Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Kulanka oo ka dhacay Magaaalada Garoowe ee xarunta Gobalka Nugaal ayaa waxaa looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka deeganada maamulka Puntland iyo sidii looga hortagi lahaa dilalka qorsheysan ee loo geesto dadka waxgalka u ah Bulshada.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee Puntland ay ka go’an tahay sugidda dhanka ammaanka ee deeganada maamulkaasi.

Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Soomaaliya maamulka Puntland ay ka caawinayso sugida dhanka ammaanka deeganada Puntland.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa ku wehliya Wasiirka arimaha maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo culumaa’udiin kuwaasi oo shalay gaaray Garoowe kana qeybgalay aaskii loo sameeyay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax.

Deeganada maamulka Puntland ayaa maalmahan dambe waxaa ka taagan amnidaro dadka ay ku micneeyeen inay tahay midi koonfurta ka jirtay oo deeganada Puntland u wareegtay

COMMENTS