December 25, 2012 | Posted by admin

Wasiirka Arimaha gudaha ahna amniga qaranka ayaa xalay mar labaad kormeeray goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada, gaar ahaan sida ay u shaqeeyaan xliga habeenki.

Wasiirka oo ay la socdeen qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada ayaa goobihii uu booqday waxaa uu kula kulmayay saraakiil ka tirsan ciidamada Dowlada, isagoo kula dardaarmay inay shaqada laba laabaan.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la kulmay ganacsato yar yar oo fadhisay hareeraha wadooyinka, waxaana la arkayay wasiirka oo ganacsatada weydiinaya qaabka shaqadooda xiliga habeenki.

Booqashada Wasiirka ayaa ujeedadeedu waxa ay tahay u kuur galida ciidamada sida ay u shaqeeyaan xiliyada habeenki, waxaana wasiirka uu la kulmay ciidamada oo wata shaqadooda.

1

COMMENTS