September 24, 2016 | Posted by admin

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa maanta lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo Fadhiga Golaha guud ee loo dhaqan yahay Qaramada Midoobey oo ka socda magaalada New York ee dalka Kenya.

Wasiir Hadliye ayaa jeedinaya khudbadii Madaxweyne Xasan Sheekh ka jeedin lahaa Fadhiga, kadib markii uu ka baaqsaday Madaxweynaha shirkaas.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay Warbaahinta in Madaxweynaha uu sababaha uga baaqday shirka sanadeedka Qaramada Midoobey uu yahay doorashada dhawaan dalka ka dhaceysa iyo tartanka adag ee ku soo fool leh.

Sanadihii u dambeeyay ayuu Madaxweynuhu ka qeyb galay shirarkii Qaramada Midoobey, iyadoo la xusuusto sanadkii hore in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha ay isku mar aadeen dalka Mareykanka, inkastoo Madaxweynaha uu shirka Qaramada Midoobey ka qeyb galayay, halka Ra’iisul Wasaarahana shirar kale u tagay.

COMMENTS