July 24, 2014 | Posted by admin

Wasiirka Amniga Qaranka dowladda Soomaaliya, Khaliif Axmed Ereg ayaa soo saaray qorshe cusub oo wax looga qabanayo amaanka caasimadda oo maalamahaan sii xumaanayey.

War kazoo baxay wasaaradda Amniga Qaranka ayaa lagu sheegay in wasaaraddu diyaarisay ilaa 10 baabuurta dagaalka ah oo wataan ciidamo isgu jira boolis iyo nabadsugid, kuwaasoo sameynaya roono joogto ah.

Ciidamada wata gaadiidkaan ayaa awood u leh iney joojiyaan gaari kasta oo ay ka shakiyaan, xitaa haddii ay wataan mas’uuliyiinta leh ilaalada gaarka ah ee dowladda ka tirsan, waxaana la geynayaa xarrunta CID si loogu baaro.

Warka kasoo baxay wasaaradda Amniga Qaranka ayaa lagu amray mas’uuliyiinta iyo ciidamada dowladda ee gaadiidka wata iney u dhega nuglaadaan ciidamada roonada sameyna, islamarkaana ay qaataan amarka ay bixiyaan.

Waxaa laga mamnuucay mas’uuliyiinta dowladda iney wadooyinka ka qaadan ciidamo aan ka mid aheyn ilaaladood, iyadoo arrintaas sabab looga dhigay in askarta jidadka laga qaadayo laga yaabo iney markaas dhibaato soo geysteen.

Amarkaan waxaa sidoo kale lagu sheegay in gaadiid ciidamada qalabka sida loo diyaarinayo warqado dhaqdhaqaaq oo waqtiyeysan si loo garto.

Lama oga sida 10 gaadiid-ka dagaalka ay u sugi karaan amaanka magaalada Muqdisho oo ah magaalo aad u ballaaran.

COMMENTS