December 12, 2012 | Posted by admin

Wasiirka Hourumarinta Adeegga Bulshada Drs. Maryam qaasim  ayaa  waxa ay kulan la qaadatay Maddax ka socotay Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midobay ee Soomaaliya wafdigaas oo uu hogaaminayey K/xigeenka Wakiilka Xogayaha guud ee Qaramada Midobay u qaabilsan Soomaaliya Mr Peter Declerq waxaana wafdigiisa ka mid ah Maddaxa UNPOS ee Mogadishu.

Intii uu kulanku socday waxaa laga wada hadlay qaabkii Wasaaradda looga taageeri lahaa Waxyaabaha ay u baahan tahay & sidii loo geyn lahaa Goobaha la xoreye Adeegyada Horimarineed ee bulshada u baahan yihiin.

Mr Peter Declerq, K/xigeenka xoghayaha guud ee qaramadda midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in ka xafiis ahaan ay diyaar u yihiin in ay caawiyaan Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada maadama ay ka kooban tahay Wasaarado muhiim ah oo laysku geye ayna ka caawin doonaan dhinacyada Horumarinta Adeegga Bulshada, Tababaro la siinayo shaqaalaha Wasaaradda (Capacity Building) & sidii dhallinyaradda soomaaliyeed ee ku sugan meelaha la xoreeye loogu abuuri lahaa barnaamijyo Horumarineed.

Gabagabadii kulanka Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada ayaa u mahadcelisay Mr Peter Declerq, & dadkii la socday waxa ayna sheegtay in ay soo dhawayneyso balanqaadka ay u sameyen Wasaaradda, lakin ka Wasaaradd ahaan ay diyaar u yihiin in Bulshada soomaaliyeed loo sameyo adeegyo Hormarineed sida Waxbarashada, Caafimaadka & waxyaabo badan, dhallinyarada soomaaliyeedna ay u sameyn doonaan xarumo lagu dhaqan celiyo laguna baro xifrado kala duwan oo ay noloshooda wax ugu qabtaan.

COMMENTS