July 5, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Wasiiro ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa ka digay khilaaf hor leh oo soo kala dhex gala Maamulkaasi, iyagoo dhinaca kale sheegay in guddoonka barlamanka Galmudug uu ku deg degay kala dirista Xildhibaanada Maamulkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee Maamulka Galmudug Abshir Diini Cawaale oo maanta waraysi siiyay Warbaahinta  aya  ka hadlay war dhawaan kasoo baxay guddoomiyaha barlamanka Maamulka Galmudug Xasan Max’ud Heel kaasi oo ahaa in uu dhamaaday xilliga barlamanka Galmudug islamarkaana Beelaha Galmudug ugu baaqay  Xildhibaanada ugu mid noqonaya barlamanka Maamulkaasi.

Abshir Diini Cawaale ayaa waxa uu sheegay in arrintaasi lagu deg deg islamarkaana  Madaxda Maamulka aysan la socon, wuxuuna ugu baaqay qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Madaxda Maamulkaasi in arrintaasi ay mooqif cad ka qaataan, maadaama sida uu tilmaamay Xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Max’ed Axmed Caalin xilkeeda ay ku egtahay sanadka soo socda.

Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli uu cirka isku sii shareeray khilaafka ka dhaxeeya guddoonka sare ee barlamanka Maamulka Galmudug kaasi oo ku aaddan xilliga ay ku egtahay Xukuumadda uu hoggaamiyo Max’ed Axmed Caalin.

COMMENTS