February 20, 2013 | Posted by admin

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna WAsiirada Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixisay kulamadii Golaha Ammaanka uu ka yeeshay Arrimaha Soomaaliya.

Fowziyo Yuusuf oo saxaafada kula hadashay garoonka diyaaradaha ayaa sheegtay in Golaha Ammaanka ay hor dhigtay in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, iyadoo xustay in lagama maarmaan tahay in dib loo dhiso Ciidamada qalabka sida.

“Golaha Ammaanka kulamo la sameynay, si gaar gaar ah baan ula kulanay xubnaha Golaha ammaanka ilaa Ban Ki-moon, sidii cunaqabateynta hubka loo qaadi lahaa, waxaan rajeyneynaa inaan ku guuleysano arrimhaas”ayay tiri Fowziyo Yuusuf.

Sidoo kale Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegtay in Golaha Ammaanka ay wada hadaladooda sii socon doonaan ilaa 7-da Maarso, oo ay go’aan ka gaari doonaan arrimaha cunaqabateynta hubka ee saaran soomaaliya iyo sidii howl galka AMISOM loo kordhin lahaa.

Mar la weydiiyay go’aanka ay uga soo horjeesatay in Ciidamada Kenya loo sharciyeeyo dhanka badda si ay uga howl galaan, ayay sheegtay in in go’aankaas aanay waxba u dhimeyn xiriirka Kenya ay la leeyihiin, isla markaana ay abaal uga hayaan sida ay ciidamadooda ay dhiigooda ugu hureen.

Waxaa ay sheegtay in Golaha ammaanka ay hor dhigeen in Ciidamada Badda Soomaaliya la dhiso, si loola dagaalamo burcad badeedka, falalka amaan darida looga hortago.

“Kenya waa dowlad aan saaxibo aan nahay oo jaar ah, Ciidamadeeda waxay nala qeybsadeen dhiig badan oo daatay abaal baan u heynaa, guul weyn ayay gaareen, laakiin arrinta aan ka hadlay waa Ciidamada Soomaaliyed ee Badda in la dhiso, sida loo yiri ma ahan ee hadalada loo buun buuniyay”ayay tiri Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya oo xustay in Kenya ay xaq u leedahay in Ciidamadeeda ay dhisato.

Fowziyo Yuusuf ayaa Golaha Ammaanka ka sheegtay in dowladda Soomaaliya aanay aqbaleyn in AMISOM loo sharciyeeyo howl galka dhinaca badda, taa bedelkeed la dhiso Ciidamada badda Soomaaliyed

Dowladad Kenya ayaa hor dhigtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey qorshe ay dooneyso in loogu ogolaado in Ciidamadeeda Badda ay qeyb ka noqdaan howl galka AMISOM, iyadoo ku baxaya lacag dhan 10-Milyan, waxaana Safiirka Kenya u fadhiya Qaramada Midoobey uu ku andacooday in Ciidamada Soomaaliya aysan awood u laheyd in dhaq dhaqaaqyada dhinaca badda ay Al-Shabaab kala dagaalamaan.

COMMENTS