January 10, 2013 | Posted by admin

Garbahaarrey: Wasiir ku xigeenka wasaaradda difaaca dalka Axmed Maxamed Maxamuud, Taliyaha howlgelinta ciidamada xooga dalka Soomaaliya Jen. Cali Caraaye Cosoble (Gacmadulle) iyo saraakii kale ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee xarrunta gobolka Gedo.

Wafdigii ka socday wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya ee gaaray gobolka Gedo oo halkaas ku tegay duullimaad diyaaradeed ayaa la sheegay iney halkaas arrimo ciidan iyo la kulanka ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolkaas ka dagaallama.

Wasiir ku xigeenka iyo saraakiisha ciidamad ayaa booqday ciidamo ka tirsan dowladda oo ku dhaawacmay dagaaladii ugu dambeeyay oo ay la galeen Alshabaab, kuwaasoo jiifa isbitaalka Garbahaarrey.

Wasiir ku xigeenka Axmed Maxamed Maxamuud ayaa ciidamada dhaawaca ah guddoonsiiyay lacago muraalkooda lagu dhisayo.

Wasiir ku-xigeen Axmed Maxamed Maxamuud ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha gobolka Gado Maxamed Cabdi Kaliil iyo saraakiisha ciidamada dowladda.

Afhayeeenka ciidamada gobolka Gado oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda looga baahanyahay sidii ay u dhiira galin laheyd ciidamada maadama dhiigooda ay u hureen difaaca dalkooda.

Guddoomiyaha gobolka Gado Maxamed Cabdi Kaliil ayaa dhankiisa tilmaamay in shacabka ku dhaqan gobolkaasi ay yihiin kuwo jecel dowladnimada, waxa uuna intaasi ku daray in dowladda looga baahanyahay in ay ka warqabto dadkaasi.

Wasiir ku xigeenka oo hadal ka jeediyay gaba gabadii kulanka ayaa sheegay in ciidamada ku sugan gobolka Gado ay dowladda il gaar ah ku eegi doonto.

Magaalada Garbahaarrey waxaa labo maalmood ka hor ciidamo loo soo tababaray dowladda Soomaaliya iyo ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasoo laba dagaal ku galay inta u dhaxeysa Doolow iyo Garbahaarrey.

Mas’uuliyiinta maamulka Gedo ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada cusub iyo kuwa Itoobiya duullaan ku qaadaayaan degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo Alshabaab gacanta ku hayaa

COMMENTS