July 27, 2014 | Posted by admin

Xeer ilaaliyihii Guud ee Qaranka C/qaadir Maxamed Muuse oo shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa ka hor yimid xil ka qaadis ay ku sameeyeen Golaha Wasiirada iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa uu Tilmaamay Xeer ilaaliyaha in qaabka loo soo maray xil kaqaadista lagu sameeyay ay tahay mid sharci daro ah , waxa uuna eedeen kulul usoo jeediyay Wasiirka Dastuurka iyo Cadaalada Xukuumada Soomaaliya.

C/qaadir Maxamed Muuse ayaa sheegay in Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumada Soomaaliya Faarax Sheekh C.qaadir uu yahay nin ku tumanaya dastuurkii qaranka uuna lasoo baxay awoodo isagu u gaar ah.

Xeer ilaaliyihii guud ee Qaranka ayaa tilmaamay in Wasiir Faarax Cabdu Qaadir uu ka awood badan yahay uuna ka weyn yahay sida uu tilmaamay Wasiirada kale ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya.

C/qaadir Maxamed Muuse ayaa xusay in Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka halka looga baahnaa in uu ilaaliyo Nidaamka iyo Dastuurka Dalka uu hareer maray islamarkaana sharuucdii uu ku tuntay uuna yahay nin kaligiis meel kale wax u wada.

Hadalka kasoo baxay Xeer ilaaliyihii Guud ee Qaranka oo dhawaan xilka laga qaaday ayaa imaanaya xili ay dad badan aaminsan yihiin in Wasiir Faarax Cabdu Qaadir uu yahay kan ugu awooda badan Golaha Wasiirada ayna inta badan Siyaasadiisa ka sacoto Xarunta Madaxtooyada.

COMMENTS