March 1, 2015 | Posted by admin

Wasiirkii Maaliyada Maamulka Somaliland Cabdi Casiis Samaale ayaa ku gacan seyray Xilkii Cusbaa ee loo magacaabay Kaas oo uu ku sifeeyay mid Aan lagala Tashan.

Cabdi Casiis Samaale ayaa laga dhigay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Maamulka Somaliland Horayna u ahaa Wasiirka Maaliyada Somaliland kaasi oo saluug ka Muujiyay xilka loo dhiibay.

Wararka hordhac ah ee soo baxaayo ayaa xaqiijinaya Wasiirku inuu diiday xilkaasi,Balse ilaa hada war Faah-faahsan oo Arintan ku saabsan cidi mahayso.

Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Siilaanyo ayaa gabi ahaan isku qasay Wasiirada Maamulkiisa, xili dhawaan la filaayo in Madaxweynaha Maamulkaasi uu xilka ka degi doono

COMMENTS