February 9, 2018 | Posted by admin

Maamulka Galmudug ayaa rajo wanaagsan ka muujisay dhaqan galka heshiiskii dhowaan ay wada gaareen Ahlu Sunna.

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Galmudug Axmed Cali Mire Faafaale ayaa sheegay in rajo fiican ay ka qabaan inuu dhaqan galo heshiiskaasi.

Wuxuu sheegay wasiirku in qaab wanaagsan loo wajahayo dhaqangelinta heshiiska Labada dhinac oo bishii lasoo dhaafay wejigii ugu dambeeyay ay ku saxiixdeen magaalada Dhuusamareeb.

Wasiir Faafaale ayaa sheegay in waxa hadda dhiman ay yihiin oo kale dhanka farsamada, ayna socoto sidii loo dhisi lahaa guddiyadii shaqada qaban lahaa.

Waxyaabaha la qaban doono ayuu sheegay iney kamid yihiin in dib loo eego dastuurka, la isku daro Labada baarlamaan ee Galmudug iyo Ahlu-sunna, laga shaqeeyo isku dhafka ciidamada.

Heshiiskii Galmudug iyo Ahlu Sunna ayaa wax badan kabeddali kara siyaasadda iyo maamulka gobollada dhexe.
Xigasho Goob joog

COMMENTS