June 13, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Soomaalia-Xogeyaha Arimaha Dibeda ee dalka Suuriya oo ka deyrisay xaalada dagaal ee ka taagan wadankaasi.

Hilary Clinton oo ah xogeyaha arimaha dibeda ee dalka Mareykan ayaa wallaac aad u xoogan ka muujisay dhibaatada dagaalka ee ka taagan dalkaasi.

Hilary ayaa waxay shaaca ka qaaday in xiligaan aysan jiri doonin in xal dhab ah laga gaaro dhibaatada xun ee dagaalada ka soconaya dalkasi Suuriya,taasi oo ay sheegtay in ay saameyeen nolosha qoysas badan oo dalkaasi ku dhaqan.

Sidoo kale xogeyaha Arimaha dibeda ee dalkaasi Mareykanka ayaa ugu baaqday xukuumada Madaxweyne Bishaar Al-asad in ay xukunka ka degto si loo yareeyo dhibaatada ka taagan dalkaasi loona bad baadiyo shacabka rayidka ah ee dhibta deriska la noqday.

Dhinaca QM ayaa sheegtay in dagaalka ka taagan dalka Suuriya uu isku badalay dagaal Sokeeyo.

Xaalka dalka Suuriya ayaa ah mid laga deyrinyo tan iyo wixii ka dambeeyay markii dagaalka looga soo horjeedo xukunka madaxweyne bishaar uu ka bilowday dalkaasi Suuria.

Arintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo ergeyga gaarka ah ee QM iyo ururka Jaamacada Carabta u qaabilsan dalka Suuriya ee Koofi Anan ay ka dhicisoobeen dadaaladii nabada ahaa ee uu ku doonayay inuu ku soo afjaro dhibaatada ka taagan dalkaasi Suuriya.

Ma jirto ilaa iyo haatan dadaal ama xal muuqda oo la doonayo in lagu soo gaba gabeeyo dagaalka dalka Suuriya oo isku badalay mid Sokeeye ah kana taagan dalkaasi Suuriya.

COMMENTS