May 23, 2013 | Posted by admin

Wasaaradda arrimaha Gudaha Dalka Itoobiya oo Digniin u dirtey Madaxa Kilinka Shanaad Cabdi ileey?

Wasaarada arrimaha gudaha dalka Itoobiya ayaa galabta war saxaafadeed ay soo saartey waxay digniin ugu dirtay Madaxa Is maamulka Soomaalida DDS , Cabdi Maxamuud(Cabdi ileey) digniintan ayaa ka dambaysay ka dib markii la arkay inuu Masuulkani faraha la galay shaqo aan tiisa ahayn, taas oo ah arrimaha Siyaasadda Gudaha dalka Soomaaliya oo uu dhawr jeer uu saxaafada ka hadlay, si toos u ah u farageliyo arrimo dhawr ah oo ay ka mid tahay, Jubbooyinka.

Warbixintan oo soo baxday Maanta xafiiska wasaarada arrimaha gudaha dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu siiyey amar iyo digniin in Cabdi illeey ka gaabsado arrimaha Soomaaliya oo uu uga dambeeyo ka hadalkeeda xafiiska wasaarada arrimaha dibadda , warbixintan oo ay soo saartey Wasaarada Arrimaha gudaha dalka Itoobiya ayaa sheegtay inuusan awood u lahayn, ka hadalka wax ka baxsan Is maamul goboleedka Soomaalida, taas ayaa ah shaqadiisa, Soomaaliya waxaanu nahay laba dowladood oo deris ah mana kamana karto xaaladeeda Cid aan ahay hay’adaha iyo xafiisyada u xil saaran ee wada shaqayntu ka dhaxayso.

Warbixintan ayaa laga soo daayey maanta Duhurnimadii Raido Fana Ethopia warbixintan digniinta iyo canaanta isugu jirtay ayaa waxay soo baxay iyadoo mudooyinkan danbe uu sida hoggaamiye kooxeedyada uga hadlo telefishinada iyo idaacadaha Soomaaliga ku hadla iyo kuwa itoobiya isagoo farriimo iyo hanjabaadyo diraya arrimaha ayaa waxaa ka mid ahaa ka dib markii uu taageeray Axmed Madoobe uuna ugu yeeray Madaxweynaha Jubboland arrintan oo Siyaasiyiin iyo shacab badan oo Soomaaliyeed aad ula yaabeen, ayaa waxay saameyn weyn ku yeelatay shacabka Deegaanka Kilinka Shanaad oo iyagu reer walba leh markay arkeen ninka Madaxda u ahaa oo taageeraya shaqsiyaad beeshiisa lugna kula jira siyaasadda Soomaaliya sidii hore loogu bartey Raggii Kenya Olalaha beelaysan ka wadi jiray ee Faarax Macalin iyo Yuusuf Xaaji oo markii dambe waayey codkii ay ku soo bixi lahaayeen.

Si kasta ha ahaatee dowladda itoobiya ayaa mawqif cad iska taagtay arrimaha Murugsan ee Kismaayo waxayna sheegtay in dhammaan dhisida Maamulada iyo dib u soo celinta nidaamka iyo kala dambaynta dalka Soomaaliya looga dambeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya laguna taakuuleeyo wixii ay uga baahato dowladdaha deriska ah, aanan lagu samayn wax garagelin ah.

Digniintan loo jeediyey Horjoogaha Kilinka Shanaad ayaa waxaa soo dhaweeyey dadka deegaanka ee aan ahayn Beesha uu ka dhashay sidoo kale waxaa laysla dhex marayaa inay dowladda Itoobiya u cabsatey Ammaankeeda maadaama Beelaha Soomaaliyeed oo dhami degaan inuu ka qarxo dhexdeeda dagaal sokeeye oo saamayn ku yeesha ammaankeeda, warar kalena waxay sheegayaan in Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Cabdi illeey taasina ay sababtay in Ra’iisalwasaaraha iyo wasaarada arrimaha dibadu aad uga carooto arrintan iyo falkan oo sababi karaa colaad iyo kala fogaansho labada dowladood.

COMMENTS