July 22, 2017 | Posted by admin

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya Mudane  Sheakh Nuur Maxamed Xasan oo Maanta shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso daryelka iyo hubinta caafimaadka xoolaha laga dhoofiyo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in  inta aan la aadin Xajka wasaaraddu ay qorsheysay hal milyan iyo  boqol neef oo ari ah in loo dhoofiyo dalka Sacuudiga, taasina ay qeyb ka tahay dadaalada ay sameysay wasaaradda.

Waxuu kaloo sheegay wasiirka in dowlada sacuudiga ay kala hadleen Dhoofinta xoolaha nool kuwaas oo gaaraya 1 malyan oo ari ah.

Wasiirka ayaa xusay in xiligaan ay dowlada soomaaliya ay guul u tahay wadahadal Muhiim ahaa oo dhaxmaray Dalalka soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi carabiya.

Dhowr jeer ayaa waxaa dhacday in dalka dib loogu soo celiyo xoola loo dhoofiyay dalka sacuudiga kuwaas loo shaqeegay in ay qabaan Xanuuno kala duwan oo aysan caafimaad qabin

COMMENTS