February 10, 2013 | Posted by admin

Shir wada tashi ah oo looga hadlayay oo socday muddo labo maalmood, loogana hadlayay xeerka Isgaarsiinta iyo Warbaahinta ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotelka Jazeera, iyadoo shirkan ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee warbaahinta iyo Shirkadaha Isgaarsiinta ee dalka.

Shirkan ayaa maanta qeybtiisa labaad looga hadlayay xeerka Saxaafada iyo Warbaahinta, iyadoo Wasaarada Warfaafinta Boostada, isgaarsiinta iyo Gaadiidka ay soo bandhigtay xeerka saxaafada oo sanadii 2007-dii ay soo diyaarisay dowladdii KMG ee uu hogaaminayay Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf, kaasoo uu ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Xeerkan ayaa waxaa uu ka kooban yahay 11-bog, waxaana lagama maarmaan ay noqotay in mar kale dib u eegis lagu sameeyo, si loogu dhaqo Saxaafada, inkastoo qodobada qaar ay mugdi ku jireen, hadana Wasaarada ayaa sheegtay in muddo 30-cisho ay Warbaahinta qeybaheeda kala duwan u siineyso inay talooyin ka soo dhiibtaan si wax ka bedel iyo ku daris loogu sameeyo.

Shirka wada tashiga ayaa waxaa ka qeyb galay qubaro isugu jiray Soomaali iyo Ajaaniib, waxaana khudbado ka jeediyay Yuusuf Xeyd oo ah rug cadaa saxaafadeed, horayna uga soo shaqeeyay Warbaahinta qaranka iyo Cabdi Xaaji Goobdoon, kuwaasoo is bar bar dhig ku sameynayay heerka warbaahintii hore iyo xilligan farqiga u dhaxeeya, waxaana ay soo bandhigeen talooyin ay ku saxayeen warbaahinta maanta oo laga tabanayo qaladaad badan.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Ibraahim Isaaq Yarow ayaa sheegay in muddo labo todobaad loo baahan yahay in talooyin ka soo dhiibtaan warbaahinta qeybaheeda kala duwan, waxaana loo saaray gudiyo inay fikradahooda u soo gudbiyaan Wasaarada, si wax ku daris iyo ka bedel loogu sameeyo xeerka.

Qaar ka mid ah madaxdii iyo wakiiladii ka socday warbaahinta qaar ayaa ku dooday in xeerkan la gaarsiiyo dhamaan gobolada dalka oo dhan, isla markaana mudada sodonka cisho aanay ku filneyn, si wada tashi iyo dood looga sameeyo qodobada qaar oo loo arkayay kuwa mugdi ku jira.

Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta C/llaahi Ciilmooge ayaa sheegay in loo baahan yahay in sharcigan uu kala xadeeyo saxaafada, isla markaana wixii xuquuq ay leedahay uu siiyo, aysan ku xadgudbin shaqsiyaad kale, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay inay talo ku yeeshaan ka hor inta aanu Baarlamaanka meel marin.

Si kastaba ha ahaatee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in marka uu kalfadhigisia furmo bisha Maarso in la horgeeyo xeerkan, iyadoo ka hor Golaha Wasiirada loo gudbin doono, waxaana xeerkan uu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha, isla markaana lagu soo saaro faafinta rasmiga ee dowladda Soomaaliya.

COMMENTS