October 17, 2017 | Posted by admin

Wasaarada Gargaarka Deg Dega ah ayaa Maanta shaacisay in ay si Rasmi ah ufurtay Xarunta Gurmadka Deg deg ah oo Hoos-tagaysa Wasaarada Gargaarka iyo Masiibooyinka.

Wasiirka wasaarada Gargaarka ee soomaaliya Maryan qaasim oo Maanta warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in Xaruntaan Cusub wasaradu ay Ka Furtay Xaruntii Hore ee Harkaha iyo Saamaha ee Muqdisho.

Waxa ay sheegtay wasiirku in dadkii ubaahan Gurmad ay la soo Xariiri karaan Xarunta Gurmadka qaran ee Dowlada soomaaliya.

Xaruntaas waxaa hada ka soconaya u gurmashada dadkii dhawaan ku wax yeeloobay qaraxii dhawaan ka dhacay Isgooska soobe ee Muqdisho,waxaana Maanta lacag dhan 4 Kun oo Dollar ugu deeqay Wasiirkii Hore ee gaashaandhiga soomaaliya oo Todobaadkii la soo dhaafay xilkii iska casilay, iyo Sidoo kale Guddiga Gurmadka qaran

COMMENTS