August 8, 2017 | Posted by admin

209

Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Barnaamij uu ku baxayo Qarash Farbadan Marka la eego, sida ay wax uwado Wasaarada dhalinyarada soomaaliya.

Khadiijo Maxamed Diiriye  Wasiirka Ciyaaraha soomaaliya  oo Maanta La hadashay Saxaafada ayaa sheegtay in Wasaarada dhaliyarada iyo Ciyaaraha soomaaliya ay wado is dhax-gal Bulsho iyo sidii loo Hormarin lahaa Dhalinyarada soomaaliyeed.

Waxa ay sheegtay in Wasaaradu ay u diyaar-garoowday 12-ka August oo ah Maalinta dhalinyarada aduunka oo Fooda Nagu soo Haysa.

Waxa ay sheegtay in ay Muhiim tahay in Xil la iska saaro sidii loo Hor marin lahaa dhalinyrada soomaaliyeed oo ay wasaaradu Sare ay ugu qaadi laheed.

12-ka August oo maalma kooban ay ka Harsan tahay ayaa dunida waxaa ka socda u diyaar garoowga dhalinyarada aduunka.

COMMENTS