May 14, 2017 | Posted by admin

Waxaa Magaalada Muqdisho Maanta ka furmay Shir ay ka qeyb galayaan Wasiirada Dastuurka maamul goboleedyadda.

Shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda dastuurka dowladda Soomaaliya, waxaana Shirkaan diirada lagu saaraya Arimo ku saabsan dib u eegista dastuurka.

Wasiirka Wasaaradda dastuurka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo Shirka Furay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Shirkaan diirada lagu saaro aragtiyadda ku aadan dib u eegista dastuurka.

Wasaaradda Dastuurka dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dadaallo dib u eegis loogu sameynaayo dastuurka Soomaaliya.

Maxamed Daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS