July 18, 2017 | Posted by admin
Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in mustaqbalka dhow Ciidamada NISA loo celinayo sidii ay ahaan jireen oo ahaa Dharcad, iyadoo haatan ay ka mid yihiin ciidamada hubeysan ee magaalada lagu arko.

 

Wasiir Islow oo Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay sameyn doonaan ciidamo gaar ah oo ilaaliya amniga Mas’uuliyiinta iyo goobaha kale, halka Ciidamada NISA ka dhigi doonaan kuwo dharcad ah.

“NISA Waxaa ku soo rogi doonaa mustaqbalka dhow, dharcad inay noqdaan sidii ay ahaan jireen, oo waxaan laga reebo, sida calaamad NISA ku buufsan in laga arko lama rabo, mana la arki doono, haddii Alle yiraahdo”ayuu yiri Wasiir Islow.

Ciidamadii Nabadsugida ee dowladdii hore ayaa ahaa kuwo qarsoon oo dharcad ahaa, halka ciidamada xilligan howl gala ay yihiin kuwo aan qarsooneyn, calaamadahooda iyo astaamahooda lagu dhex arko magaalada iyo goobaha kale.

Qubaro dhinaca ammaanka ayaa horay u sheegay in meelaha ay aadka ugu liidato ay tahay dhanka sirdoonka, maadaama ciidamadoo loogu tala galay howlaha Sirdoonka iyo xog raadinta ay ka mid yihiin ciidamada hubeysan ee magaalada lagu arko.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeysay dadaal ugu jirtay sugida amniga Caasimadda, iyadoo sameysay ciidamo gaar ah oo ahaa ciidamo isku dhaf ahaa.

Maxamed daacad muqdisho.

[email protected].

COMMENTS