February 7, 2018 | Posted by admin

Wasaaradda amniga gudaha dowladda soomalia ayaa shaacisay in daryanka madaafiicda iyo hubka culus ee caawa muqdisho laga maqlay ay ahaayeen tababar ay ciidamada mareykanka ay siinayaan ciidamada dowladda soomalia ee sida gaarka u tababaran ( Gaashaan).

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in tababarka uu ka socdo ceel macaan balse jugta qoryaha culus laga maqlaayo qeybo badan oo caasimadda muqdisho kamid ah.

Shacabka ku nool dagmooyinka gobolka banaadir ayaa baqdin ka muujiyay jugta qoryaha culus ee dhagahooda kusoo dhaceysa mana jirin digniin hore oo shacabka loo jeediyay si aaney u dareemin welwel iyo baqdin la xiriirta qoryaha dhacaya oo u muuqda dagaal magaalada ka dhex socda.

COMMENTS