January 13, 2013 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisa u horeeyay maanta ugu ambabaxay dalka Mareykanka, iyadoo safarkiisa ay ku wehliyaan Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Fowziyo Yuusuf iyo La taliyeyaashiisa.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu kulamo la qaadan doono madax ka tirsan dowladda Mareykanka.

Safarkaan ayuu Madaxweynaha kala hadli doonaa dowladda Maraykanka amniga iyo horumarka oo koowaad ka ah lixda Tiir Siyaasadeed ee Madaxweynaha, sidoo kalena wuxuu la kulmi doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa madax sar-sare ee ka tirsan dowladda Maraykanka. Kulamaadaas ayuu Madaxweynaha uga hadli doonaa sidii loo taageeri lahaa Dowladda Soomaaliya, Boqashadaan ayaa waxeey tahay mid muujineyso sida ay uga go’an tahay Madaxweynaha adkeeynta xiriirka Soomaliya iyo Maraykanka”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

“Si loo hubiyo, horumarka la gaaray. Dibna aan loogu noqon bur-bur Madaweynaha wuxuu diiradda saaray in la adkeeyo xiriirka Soomaaliya ay la’leedahay beesha caalamka, si looga gudbo caqabadaha hortaagan amniga iyo horumarka ka jira Soomaaliya”ayaa sidoo kale lagu yiri war saxaafadeedka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka Madaxweynaha loo doortay bishii september ee sanadkan ayaa bilihii u danbeeyay safaro ku tagay dalalka Geeska Afrika, iyadoo la saxiixday madaxda dalkaas heshiisyo ku aadan amniga iyo Horumarka.

Dowladda Mareykanka ayaa si xoogan u taageerta howl galka nabad ilaalinta AMISOM, iyadoo lacagaha ugu fara badan ku bixisa howlaha Ammaanka Soomaaliya.

COMMENTS