August 22, 2012 | Posted by admin

WARSAXAAFADEED

DATE: AUGUST 22, 2012

KU SOCOTA BEESHA WACEYSLE

KU SOCOTA IMAAMKA BEESHA MUDULOOD

KU SOCOTA DUUBABKA BEELAHA HAWIYE

KU SOCOTA ODAYAASHA DHAQANKA SOOMAALIYEED

KU SOCOTA GUDIGA TECHNICAL COMMITTEE

(Muqdisho): Warsaxaafadeedkan waxuu ku saabsan yahay marxalada adag ee soo wajahday dhamaan beelaha soomaaliyeed gaar ahaan tan gaar ahaaneed ee Beesha Waceysle ee ka mid ah Beelweynta Mudulood in lagu xadgudbay sharafta iyo karaamadii beesha Waceysle ku dhexlahayd dhamaan beelaha Soomaaliyeed.

Gaar ahaan waxaan dhaleeceyn dusha uga tuuraynaa cidii soo abaabushay soona duubtay duqa Beesha Waceysle Maxamed Cabdi Shido kaa soo ahaa Gacan ku rimis uu soo abaabulay shaqsi dana gaara kalahaaa markii hore kaa soo isku magacaabay kalagii inuu yahay Gudoomiyaha Siyaasada Beesha Absuge oo aan wadagaranayno inuusan matalin Beeshan.

Waxaan halkan ka cadeynaynaa hadaan nahay, waxgaradka qeybaha kala duwan ee Beesha Absuge Qombor sida Dhaqanka, Culumaa’udiinka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanada, Dhalinyarada, Haweenka iyo Ganacsatada gudaha iyo dibada waxaan marka hore uga mahad celineynaa beelaha walaaleheena ah sida ay noogu karaameeyeen Nabadoonka lagu magacaabo MAXAMAD CABDI SHIDO oo hadda si guud hogaanka dhaqanka beesha Waceysle inuu matalo inaysan Absuge ama Waceysle soo duubin ee uu soo abaabulay shaqsi aan matalin Absuge, waxaana qoraalkeenan ku cadeyneynaa in uu Nabadoonkan iyo Shaqsigii ka danbeeyaba inay ku kaceen falal ka duwan howshii loo igmaday uuna kala geeyay taladii iyo midnimadii guud ee Beesha Waceysle, waxuuna jabiyay axdigii lagu heshiiyay ee ahayd in mudane Xildhiban oo Qof Dumar ah Waceysle geeysto una soo diyaariyeen Marwo u qalanta.

Waxaan Baaq u direynaa dhamaan inta aan magacyadooda kor ku soo xusnay gaar ahaan gudiga TECHNICAL COMMITEE oo dib u celiyay Xildhibaanada Cusub oo Qeybtii dumarka Waceysle heshay inay ku bedeleen mudane kale oo RAG ah taasoo aan ahayn heshiiskii Waceysle wadagalay oo ay dhinac mareen xuquuqda Dumarka qayb ahaan u lahaayeen Waceyslana u Qoondeeyeen inay naqato Dumar, Marka Gudigan Farsamada awood umalaha inay ku xadgudbeen Xubintii Dumarka lahaayeen.

Waxaana Warsaxafadeedkan ku cadeynaynaa inaysan Beesha Waceysle matalin, Gaar ahaan Beesha Absuge Waceysle Shaqsiyaadkan ku adeeganaya danaha gaar ahaaneed ee an dani ugu jirin Beesha Waceysle iyo tan Soomaaliyeedba, waxaana si deg deg ah u soo Magacaabi doonaa duqii guud ee Beesha Waceysle.

Gudiga Farsamadana waa inay ansixiyaan xubintii dumarka lahaa oo Beesha WACEYSLE soo diyaariyeen dibna uga soo celiyaan shaqsiga aan cidna magacaaban ee lacagta ku iibsaday kursiga ama dacwad sare u gudbin doonaan xafiiska UNPOS gaar ahaan Ergayga Gaarka Ah Q.M ee Arimaha Soomaaliya Amp. Augustine Mahiga.

WABILAAHI TOWFIIQ,

DHAMAAN WAXGARADKA QURBA JOOGTA BEESHA ABSUGE

XAFIISKA MUQDISHO, SOMALIA

Email: jaliyadaAbsuge@gmail.com

COMMENTS
  1. DURIYAD M/DHIBLWE said:

    Salaamantihiin
    Qofka la magac baxay yaxye waxaan ku dhihi lahaa 8waceeysle weligeed aan maqli jiray ma ahin wax cusub oo da yarta laga dhaadhicinaayo kumna lihi waad qaldantahay sida aad wax u kala dhigtay waa sax balse afarta aad sheegtay waxaa ugu badan suleeymaan sidaa ayeey markasto u dhacday in aay horboodaan waceeyle ayaagoo ilaabay in aay mar uun dib u fiirshaan walaalahood waxna ka siiyaan jagooyinka waana wax ibni aadanku caadeeystay in qofkii kaa badan ama dhaqaale badan in uu iska xalaaleysto hantida taalo.
    Mida xigta absuge ayaga maxeey waceeysle u horboodayaan sida m/wenaha mareeg gudoomiha u qablisan soo ururinta xildhibaan nimada maxaa helay waceeyslaha kale sida caligaaf oon uga jeedin meelo badan ha noqoto dowladaha cusub iyo tii siyaad bare
    Talo ku socoto M/dhiblaawe

    Macalin dhiblaawe waxaan idin kula talinayaa doorashada waceeysle marka la soo gaaro waxaad u olaleeysaan 100%absuge in uu helo foodka hadii absuge la waayane cabdirixmaan adoo isticmaalayo awoodada tiro taasina waxeey keentay in waceeysle hor boodaan dadkaan aad u foodiin oo cali gaaf oo ayaga la tira eg amaba ka badan chance helin iyo inta kale sida dhego weyne marka macalin dhiblaawe haduusan kursiga heleynin waxuu uga shubaa labada aan soo sheegay taas oo keentay in markasta waceeysle horboodaan absuge iyo cabdirxmaan macalin dhiblaawe hadaad cadaalad sameeysolafaha kale chance ayeey helaayaan oo aad iska dhaafto u ololeeynta labada aan sheegay.

  2. Sheegoow said:

    ASC Dhamaan umuda Islaamka ah qasatan Somaliya Beel weynta waceesle si qaas ah meel walbo eey Joogan. Walaahi Si dhab aan u qoslay Ninkaan Yahya wato waa nin Diyaarsan waxaan u maleynaya wax badan ayuu usoo joogey waana odey dhaqameed sida iiga muuqato Lakiin waxaan aad ugu qoslay Madax Dameer oo Ka Buuxo Sixir kkkkkkk. Walaahi Taariikhda Abdirahman ku qaatey Curad Nimada sidaa si ka duwan ayaan u maqlay lakiin tan ayaa aad iiga qosliday lakiin tan aan shakiga ku jirin ayeey waxeey tahay Curud nimada Haarun wacesle Cid walbo oo wacesle ahna kama Daboolna. Dulmiga waxaa ka mid ah Curudnimo waxaa Lagu noqdaa Dhalasho ee dhaxal ma aha cidii dhaxal ka dhigtana waa dulmi eey ka gashay nafteeda iyo xadgudub diineed iyo mid Mujtamacba waana waxa hada laga dhexlay is qab-qabsiga foosha xun uu qarkood dhiig badan ku daatay. Ninka wiilka waceesle wato Dagaalan ayaad gashey waxaadna Absuge ku heysatay ineeysan xaq u Laheen kaligood kuna qaldanyihiin ineey dhahaan Gudoomiye cusub soo magacabeena oo beesha absuge ah lakiin adiga inu Abdirahman Saleemaan Xaq u leyahay uu curudnimo uu boob iyo Sida la sheegayo wax fuulxun uu ku helay aad u dhaxal siiso Gudomiya Nimada waceesle ma xaq baad u leedahay? Aniga Shaqsiyan Nin walbo oo waceesle oo meesha tago waan soo dhaweynaa Beesha absugane waxaan kula Talinaya ninkii tago oo waceesle waa walaal ineey tageraan hadiiba aan laga tagin sadkii waceesle sababtoo ah umad markeey iyada wax isku quuri weydo oo dulmiga dhexdeeda bato midka shiisheyana waa ku dhacaa . Dadka Midnimo ku meel maraan sida ii muqatanan mid dhow ama fudud ma ahan waceesle oo midoowbay. Allow Dad Caafimaad Qaba Iyo Dal-nabadaa. Amiiiiiiiiiiiiin

  3. kabakutukade said:

    Yaxya rug cadaa dheh caadi maahan walee nin asoo sixir sido dhintay waxbaa aqiro uyaaal. waan idinsalaamay beesha abusge. Ilove beesha absuge waa xarfan kkkkkkk lkn waxaan fiicneed inaadan jawaahir udoodina ee aad dayib ka dhigtaan

  4. kabakutukade said:

    Kkkkk sida dhaba ayaan u qoslay laba nin curad waa isku hardiyeen walee waxbaa kadhacay madaxdameer oo sixir kabuuxo aaa kkkkkkk yaab

  5. YAHYA said:

    ASC
    DHAMAAN JAALIYADA SHARAFTA IYO QADARINTA MUDAN EE ABSUGE WAAD SALAAMANTIHIIN SIDOO KALE WIIL WACEYSLE IYO JAMIILA WAAD SALAAMANTIHIIN SALAAN KA DIB WAA HUBAAL IN UU WACEYSLE INTIISA BADANI LA NOOLYAHAY DULMI XANUUN BADAN MUDO AAD U DHEER DULMIGAAS OO RUNTII UGA IMAN MEEL KALE BALSE AH DULMI DHEXDOODA AY IS DULMINAYEEN KAASOO SOO SOCDAY QARNIYAAL BADAN WAANA XAQIIQO JIRITAANKA DULMIGA XANUUNKA BADAN EE BEESHA ABSUGE KU DHACAY OO RUNTII KA MID AH XAQDARADA IYO XUMAANTA AY XEEREEN QAAR NAGA MID AH OON LAHEYN HABA YARAATEE SIFO LOOGA RAJEEYN KARO WANAAG WACEYSLE KA SAARA GUNIMADA IYO LIIDNAANTA UU ARKI KARO RUUX KASTA OO KA MID AH BULSHADA SOOMAALIYEED, WAAN HUBAA IN AAD OGTIHIIN IN AY JIRAAN BEELO KA MID AH WALAALIHIINA WACEYSLE OO LA SOO NOOLAA QARNIYAAL DULMI IYO XAQDARO IN BADAN KA BAAXAD WEYN TAN AAD LA KULANTEEN TAARIIKHDA INTII AAN SOO JIRNAY,WAXAAN JECLAHAY IN UU GARWAAQSADO RUUX KASTA OO CAAFIMAAD QABA ISLA MARKAANA ALLE KA NASAHAY CUDURKA AY QABAAN KUWA AY TALADOODU GAYEYSIISAY WACEYLE GUNIMADA IYO CIILKA KU GAAMURAY IN AAN U BAAHANAHAY TALO KA TIMAADA WAX GARAD WACEYSLE OO KA CAAFIMAAD QABA NIYAD XUMO, CUQDAD, XIQDI IYO XAASIDNIMO UU KU DHIBSANAYO BARAARAHA(KHEYRKA)ISLA MARKAANA AY RAALI GELINEYSO HOOGA IYO KHASAARAHA(SHARTA)BULSHADEENA GUUD AHAAN GAAR AHAAN MIDKA AY ISUGU DHOWYIHIIN UU UGU QADARO ALLE XIGMADIISA QOF, BEEL AMA QABIIL.WALAAHEYGA ABSUGOW WAXAA LA JOOGAA WAQTI ADAG OO XASAASIYA WAXAA NA DUL JOOGA OO NALALA DOONAYAA DULMI KA WEYN MIDKA UU WACEYSLE KU SOO HAYAY WACEYSLE KALE MUDADA DHEER KAASOO NA GAYEYSIIYAY TABARDARIDAN,SHARAF XUMADAN IYO GUNIMADAN AY GARASHADEENA IYO GACMEHEENU NA GAYEYSIIYEN KA JOOG ABSUGOOW OO SABAR HANA KU RAADIN CARO AAN QORSHE LAHEYN XUQUUQDAADA IYO XUQUUQDA KUWA LA NOOL DULMIGA IYO DHIBAATADA AANU JIRIN AADAMI XAMILI KARA INTA BADAN WACEYSLE WUU DULMANYAHAY WUXUUSE KU KALA DUWANYAHAY KUWO DAREEMAY OO ISKU DAYAAYA HELIDA DAAWO KAMA DAMBEYSA, KUWO DALAALO INEY HELAAN DANTU U DIIDAY ANSE DAMIIRKU WELI DABOOLMIN UNA DAGAALI INEY HELAAN XAQOODA DUUGAN.MA WAXAA KU DULSAARAN DULMIGA DULSAARAN HAARUUN WACEYSLE, MA WAXAA KU DULSAARAN DULMIGA DULSAARAN JABRAIL WACEYSLE MA WAXAA KU DUL SAARAN DULMIGA DULSAARAN F-CUMAR WACEYSLE.WAXAAN HORAY U SOO XUSAY IN WACEYSLE INTIISA BADANI DULMANTAHAY WAXAANSE SADEXDAAN DAMBE U SOO QAATAY WAA (HAARUUN, JABRAIL AND F-CUMAR WACEYSLE)EHELKEYGII WECEYSLOW IN AAN DA’YARTA WACEYSLE UGU IFTIMIYO DHAGARTA KUWA SABABAYA IN AY GUMOOBAAN OO AY KA HOOS MARAAN ASAAGOOD IYADOO ALLE KEENAY ADUUNYADA IYAGOO GOB AH OO LA MID AH BULSHADA SOOMAALIYEED KUWA UGU WANAAGSAN, WAXAA DA’YARTA LA DOONAYO IN XOOGOODA IYO XIGMADOODA LAGU DULEEYO LOO SHEEGAA IN WACEYSLE SIDEED U DHASHAY TAASOO AH BEENTA AY HAD IYO JEER DAALIMIINTA IIMAANLAAWAYAASHA AH EE SIDA DULMIGA GURACANA UGU TASARUFA TALADA WACEYSLE UBADKEENA WADADA WALAALNIMA UGA WEECIYAAN .HADABA SI LOOGA BADBAADO MARIN HABAABINTA GURACAN EE KOOXDAN NIYADA XUN WACEYLE WUXUU U DHASHAY AFAR KUWAASOO KALA AH (HAARUUN, JABRAIL, SULEYMAAN AND F-CUMAR WACEYSLE)WACEYSLAHA HALKAN UUSAN KA MUUQAN MAGACIISU WUXUU KA FARCAMAY OO UU KU ABTIRSADAA SULEYMAAN WACEYSLE KOOXDANI OO DHAMAANTEED KA SOO JEEDA BEELAHA SULEYMAAN WACEYSLE WAXA AY TALAABADA UGU HOREYSA EE DULMI U QAADAAN SADEXDA BEEL EE WACEYSLE EE KALA AH (HAARUUN, JABRAIL AND F-CUMAR WACEYSLE)TALAABADA LABAAD EE DULMIGA WAXAY U QAADAAN QAAR KA MID AH BEELAHA SULEYMAAN WACEYSLE OO DA’YARTOODA LOO SHEEGO SIDEED BEELOOD IN UU WACEYSLE KA KOOBANYAHAY SI BEEN ABUUR AH WAXNA LAGU QEYBSADO WUXUUNA BADANAA XADGUDUBKA LABAAD KU DHACAA BEELHA SULEYMAAN WACEYSLE MARKA LAGA REEBO C/RAXMAAN, ABSUGE, CALI GAAF, EYBAKAR GAAB IYO MAXAMED CADE XADGUDUBKA SADEXAAD WUXUU BADANAA KU DHACHAA ABSUGE & MAXAMED CADE INTAA KA DIB WAXAA DHACA XADGUDUBKA DHEXDOODA AH SADEXDAAN OO MID WALIBA DHEXDEEDA ISKULA KACDO, WAXAA COLOOBA DADKII KU HADAAQAYAY SHALAY MARKII DULMIGU BILAABANAYAY ANAGA AYAA XAQ U LEH IN AAN WAXAAS MAAMULNO IYAGOO IIMAAN LA’AANTOODA IYO DAMIIRXUMADOODU SIDA QOF KASTA OO WACEYSLE AHI OGYAHAY AY LA GASHAY IN AY NASABKOODA KA BEEN ABUURAAN IYAGOO RAADINAYA SED XAARAAN ISLA MARKAANA QABA HINAASIHIHII, XASADKII IYO XIQDIGII REER BANII ISRAAIIL QALBYADOODA BUUXIYAY MARKII NABI MUXAMED NAXARIIS IYO NABADGELYO KORKIISA HA AHAATEE ALLE KA SOO SAARAY MUJTAMICII CARBEED. DAALIMIINTA WACEYSLE TALADOODA KU GUMOOBAY MAXAY UGA DUWANYIIN REER BANII ISRAAIIL? MIYEYNAN HEYSAN NIMCADA ADUUNYO EE WACEYSLE HEYSTO TAS UGU BADAN MAXAA U DIIDAY IN AY KU QANCAAN ALLE WIXII UU SIIYAY SIDA MAAL ADUUNYO OO BADAN NASAB WANAAGSAN OO UMADA SOOMAALIYEED XURMEYSO MAXAA KALIFAYA IN AFARTII NIN EE ISLA DHALATAY ISLA MARKAANA UU WACEYSLE DHALAY ISUGUNA XIGTAY SIDAN HAARUUN, JABRAIL, SULEYMAAN IYO F-CUMAR WACEYSLE IN MIDKII UGU YARAA KII KA WEYNAA OO AHAA SULEYMAAN WACEYSLE ANIGAA REERKAAN CURAD U AH ISLA MARKAANA QAAR CARUURTTISA KA MID IHI U JIIBIYAAN IYAGOO DALIISHANAAYA WAXAA LEYSKU XUJEYSTAY HADA KA HOR IN BEESHA CURADKA U AH WACEYSLE AY KEENTO NIN SOOHDINTA U DHAXEYSA WACEYSLE IYO HABAR GIDIR KU SOO AASA MADAX DAMEER OO UU KA BUUXO SIXIR HABAR GIDIR LOOGU TALA GALAY IN LOOGA ILAALIYO IN AY KU SOO XADGUDUBTO SOOHDINTA.MARKII AY BEESHA CURADKA WACEYSLE KEENI WEYSAY NINKIINA WAXAA KEENAY BEESHA CABDIRAXMAAN SULEYMAAN OO ADEERKEED INEY CURADKA KALA WAREEGTO RABTA WUUNA QAADAY NINKII CABDIRAXMAAN OO LA ORAN JIRAY SIDA AY SHEEGEEN BEESHA CABDIRAXMAAN SULEYMAAN (FOOL MADAX)MADAXII DAMEERKA SIXIRKU KA BUUXAY WUU QAADAY BEY LEEYIHIIN WUUNA KU SOO AASAY SOOHDINTII WUUNA GEERIYOODAY ISAGOON REERKII KU SOO LAABANIN. WAXAA KITAABKAA CABDIRAXAMAAN SULEYMAAN SIDAAN U AQRIYO LA AQRIYA OO COPY KA HEYSTA BEEL KA SII FARCANTA MID KA MID AH BEELAHA KA FARCAMA QOMBOR SULEYMAAN OO LA YIRAAHDO EYBAKAR GAAB. WAXAAN JECELAHAY WALAALAHA JAALIYADA ABSUGE IN AAN XUSUUSIYO IN WAQTIGU XASAASI YAHAY TOLKEENA ABGAAL EE AAN KU ABTIRSANA ISAGOO NALA WADAAGA DHIBAATADA AY UMADA SOOMAALIYEED KU HAYAAN IMAANLAAWAYAASHA GUMEEYAY NATION-KII SOOMAALIYEED OO AANU AAMINSANAHAY IN AYNU KU LEENAHAY KUWA AAN KU METAALAY IMAAN LA’AANTOODA TII REER BANII ISRAAIIL MAADAAMA AY ISAGA MID YIHIIN NIMCADA ADUUNYO SIDA LOO SIIYAY MARKA AAD KA EEGTO SIDA WACEYSLE UGU KALA LADANYAHAY QARNIGAN IYO SHIMBIRIHII DUBNAA EE ALLE SAMADA UGA SOO DAADINAYAY REER BANII ISRAAILL ISAGOO KA XAQAB TIRAY DEEQDIISA MA DHAMAATADA AH IYAGOO AAN SHAQO KU DHIBTOONIN IYO HADAN IMAAN LA’AANTA KU DHACDAY ISLA MARKAANA QANCIN WEYSAY OO RUNTII AANEY WAX BADAN KU KALA DUWANEY.HA LUGA QABAN NINKAA DHALINYARADA AH EE AAN ABGAAL KUWADA ABTIRSANO ISLA MARKAANA AAD U JEEDO IN UU WAJAHAYO CADOW XUN OO KA XEEL DHEER MIDKAAN DHEXDEENA KA DHASHAY ISLA MARKAANA DOONAYA IN UU HAWIYOO DHAN KU XABISO GUNIMO IYO CIIL WAXAANA FURSAD WEYN U AH CADOWGAAS INAGOO IS DACWEYNA

  6. wil wecesle said:

    asc. aad salamantihin dhamaan, jamiila waxay shegtey waa run oo aan been kujirin idinkaa soo dortey oo sidaad wax urabteen hadu samen wayeey ayad saas ugeleysan. oo hadna waxaad dheheysan si deg deg ah ayan midkale usoo sharaxeynaa, oo yaa idnka oo kaliya idin siyey inuu mar walba noqdo, gudomiya dhaqanka ebesha wecesle wa absuge yaa yiri, wacele waa sideed laf, miyeysan uqalmin kuwan kale, hise laacayo dhaqan cabdiraxman ayaa curad ah, oo isaga ayaa idinka mudan. hdiikalena waa in lagu yimadaa , aqoon iyo dorasho wacesle daxisa, ee bililiqo lama ogola taas ogada

  7. jamiila said:

    asc
    dhamaan jaaliyada absuge waad salaamantihiin, eeda iska daaya beesha wacaysle oo lagu yaqaan wanaag jacayl iyo midnimo ha dhibaataynina,hadii maxamed cabdi shido oowsan nin fiican ahayn maxaad markii hore u sheeegi wayseen ma markii sidaad rabteen wax ahaan waayeen, maad hada dacwaynaysiin,raga gudbay koleey waa wacaysle ee ku toowfiiqsada