July 31, 2015 | Posted by admin

150723132601_qariidada_muujineysa_sida_soomaaliya_lookala_maamulo_624x351_bbc_nocredit
Warmurtiyeedka ka soo baxay shirka Muqdisho oo ka kooban 37 qodob ayaa lagu amaanay tallaabooyiinka hormarka leh ee la sheegay in ay dowladda Soomaaliya qaaday.
Waxaa lagu sheegay in dib u eegis lagu sameeyay hormarada dhanka siyaasadda iyo amniga ee gudaha Soomaaliya laga sameeyay, iyo sida laga yeelayo hannaanka hiigsiga cusub sanadkan gudihiisa.
waxaa sidoo kale ay soo dhoweeyeen maamulka dhowaantan looga dhawaaqay Galmudug, waxaa sidoo kale lagu xusay in la diyaariyay sidii maamul loogu sameyn lahaa Shabellaha dhexe iyo Hiiraan.
Muqdisho iyo sida laga yeelayo ayaa warsaxaafadeedka looga hadlay, iyadoo ay sheegeen maqaanka Muqdisho in laga tashan doono.
Waxaa sidoo kale lagu soo dhoweeyay guddiyada dhowaantan la sameeyay, sida kan doorashada, midka xuduudaha iyo federaalka iyo guddiga dib u eegista dastuurka.
Warsaxaafadeedka oo aad u dheer ayaa lagu falanqeeyay dhamaan xaaladaha Soomaaliya.
arrimaha doorashada ayaa laga yiri, “waxaa kawada tashanaya dhinacyada ay quseysa”, laakiin Qaramada midoobeey ayaa horey u sheegtay inaysan jiridoonin waqti kororsi.
laakiin dhinacyada dhaliishan sida dowladda u shaqeyneyso waxa ay ku doodayaan in sharaxaad laga bixiyo sababta aysan u dhici karin doorasho qofkastoo Soomaali ah uu codkiisa ka dhiibto

COMMENTS