March 20, 2012 | Posted by admin

Warsaxaafadeed
March 14, 2012


Dhamaan xubanaha aqoonyahanada, siyaasiyinta iyo waxgaradka Beesha Mudulood ee qurbo joogta ayaa waxay shir jaraa’id kuwada qaateen qadka taleefanka waxayna soo saareen warsaxafadeedkan.

Waxan halkan ka cadeynaynaa inaan ka soo horjeedno hadalada meel ka dhaca ah ee uu warbaahinta ka sii daayay duqii hore ee Muqdisho Cade Hassan Ali (Cade Gaabow) inuusan ahayn shaqsi matali kara beelweynta Mudulood ama cid u igmatay inuu ku hadlo magaca Mudulood inaysan jirin.

Waxaan raali gelin iyo u diraynaa Beelweynta Ciise Mudulood waliba gaar ahaan Duqa Muqdisho ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Maxamuud Axmed nuur (Tarsan) inaysan waxba u qaadan hadalka Cadde Gaabow ee meelka dhaca ah ayna tahay mid isaga u gaar ah Beesha Muduloodna lama qabto waana ka soo horjeednaa.

Waxaan kale oo baaq u diraynaa in Cade Gabow raali gelin ka bixiyo iyadoo aan og nahay inaysan ahayn wax isaga ka yimid balse ay tahay in dad dano siyaasadeed ka leh ka danbeeyaan arimaha cadde la soo shirtagay.

Waxaana xasuusinaynaa Mudane Cade inuusan deegaanka Beelweynta Mudulood iska daa Gobolka Banadir inuusan ka xigin xitaa Gobolada kale ee Mudulood lee yihiin, Cade Gaabow waxuu hilmaamay in Beesha Ciise Mudulood xiligii halganka iyo difaaca deegaanada Mudulood in Ciise Mudulood ay si baaxad leh uga qeyb qaateen halkaasna ay ku waayeen rag qaali ah iyagoo garab taagan Beesha Mudulood, xiligaasna Cadde Gaabow la wada ogaa meeshuu ka joogay difaaca qadiyada beesha iyo halganka meeshu uga jiray.

Hadabe, Cadde Gaabow mahaduu Banadir yeeshay markii loo xureyay xageebuu jiray xiligii la difaacayay raga Ciise Mudulood ee Jawiil iyo Gobolada kale ee dalka ka yimideen ay naftooda u hurayeen difaaca dadka iyo deegaanka Mudulood, waa daciifnimo, xaasidnimo iyo dano shaqsiyadeed ee waxaan leenahay Cade Gabow haka tanaasulo isku dirka shaqsiyadeed ee siyaasada ka danbeyso ay lee yihiin dad raba inay dhibaato ka dhex abuuraan beelaha wada dhashay, waa hadii u rabo Cadde Gabow inuu masraxa siyaasada ku soo naqdo ama Mudulood dhexdiisa rajo ugu jirto inuu taageero siyaasadeed ka helo laakin saan kursi kuma helaysid inaad ku waysid maahine. Koley Cadow waarimeysid waxfiican hakaa haraan.

Wabilaahi Towfiiq

Khurba Joogta Beesha Mudulood

COMMENTS
  1. Isra said:

    salaam dhamaan waxaa rabaa in aan waxyar dhaho xamar markii hore mise hada xamar hada dhiigbadan aa ku baxay dhiigii mudulood aa ku baxay xamar waa dhul mudulood ama ka nax ama kufarax wallaalo ayaa layahay nin xun oo iska nac nacleenaayo beel ma matalo Tarzan Allah guuleeyo lana garab galo aamiin

  2. Cabdi Daayoow said:

    Ma duhr dabadiisa

    Ma ceel daboole’ aa

    Ma dibi daba go’on baa

    Ma talo Daba yar baa

    Udeejeenoow tusbax afgiisa la gooyey

    Ayaan idin ka dhigay

  3. hilowle said:

    walee cade gaaboowow maradaa kaa dhacday war xagee kumaqnayd markii tarzan ciidamadiisu jawiil kaaga soo gurmadeen oo ay muqdhisho kuu xoreeyeen adigana caliyaalo aadan oneday aadan soo dhaafin canshuurta aad dhiibtana oo dameerahaada cowska wada laga qaado lagu laynayey mudulood xagee jirtey iimaan laawalahow aanan walaalkiis wax u ogaleen war ma tarzan ayaad gaartaa oo xitaa qofwalba oo soomaaliyeed ay ku amaaneen shaqada uu u qabtey umada soomaaliyeed gaar ahaan shacabka gobolka banaadir oo naftiisiina u huray xabada dhacayso tarzan tarzan waxaan kuu rajeynayaa guul warka gaaboow lama qabno mana taageereyno anagoo ah umada soomaaliyeed ee sida aadka ah uga xumaatey hadalkii gaaboow wabilahi towfiq

  4. farxaan said:

    scwr waxan rabaa inaan marka hore ka raali galiyo walaalaheen ciise mudulood xaaraantii uu ku hadley cade gooboow oo u maleeyo in muqdisho uu kaxigo walaakeem tarzan cadsoow ma waxaad u malaysay caliyaalo walee waad hurudaa mudulood horay ayuu kuu tijaabiyay ayadoo walaalkaa geedi kaa dhigay duqa magaalada ee aad ku kalsoonaa wayday kadibna indha cade uu kuu magacaabay duqa magaalada qudbadaadiina aad ku sheegtay in aad iskooba wadato get lost mr gaabood we love tarzan tarzan n tarzan guuleeyso guuleeyso

  5. abdullahi said:

    asc wr wb cade gabow wuu qaldamay tarsana kama xigo xamar waa labo nin oo mudulood ah qaladkisiana waa lo shegi karaa lkn maaha in xumaan lasii abuuro ujejen aya xamar difaacay rer matana wuu hurdayay waa qalad mudulood asigoo mideysan ayuu dhulkiisa difaacay halaga shaqeeyo midnimada mudulood dadka waxa xun oo dadka kala fogeynaayo soo qorayana maamulka duhur wax haga qabto

  6. Waxaa cambaarayn mudan ku xad-gudub xuquuq muwaadin
    Mudane Maxamuud Axmed Nuur waxaad u qaadataa hadal aan lagu dhihin oo kale runtii waxaa wax laga xumaado ah in lagu xad-gudbo shaqsi wax wayn qabtay ma istaahishid hadalkaas aan mudnayn in laga hadlo waa hadal meel waayay. waxaad haysataa shacbiyad tiro iyo tayaba leh oo kuugu garabtaagan khidmada wadaninimo oo nadiifka ah ee aad gudatay waa kalsooni aad ka abuuratay shacabka Soomaaliyeed intooda hor u marka jecel saas ayeeyna kuugu hayn doonaan abad,qof walba oo dalkiisa u khidmeeya waxay u hayaan sharaf iyo taageero wayn oo aff iyo addinba leh. gudoomiyaha gobolka banaadir waa shaqsi ku dayasho mudan oo uu ka soo iftiimayo nidaam xukun dawlad wanaag iyo rajo wanaagsan.
    waa marag madoonto ay ka marqaati tahay bilicdii magaalada Mogadisho oo dib u soo noqotay.

    Runtii (Tarsan) wuxuu istaahilaa madaxwayne in ay u doortaan ummada Soomaaliyeed maxaayeelay waxa uu qabtay waa wax lataaban karo ooy ka muuqato shqo hufan oo nadiif ah waxaad ammaan ku mutaystay hawsha aad hayso oo hortaa la haleeli waayay in la qabto; waxaa laguu hayaa xushmo iyo karaamo wayn oo aad ku kasbatay shaqadaada daacada ah. Waxaa wax laga xumaado ah in qof muwaadin soomaaliyeed ah layiraahdo (uma dhalan Mogadisho) marka yaa u dhashay mogadisho?waa arin cajiib ah taasi waa xad-gudub loogaystay xaqa muwaadin lahubo oo u dhashay jinsiyada Soomaaliyeed Maxamuud Axmad Nuur (Tarsan) waan ka xunnahay sida raqiiska ah ee lagaaga hadlay, waa lagaa xaal mariyay waxaa lagu saaray cimaamad xariir ah iyo bakoord dahab ha waxaan kuu rajaynaynaa cimri dheer, caafimaad abadi ah,iyo guulo aan dhamaan.waqti hasiin in aad ka jawaabto hadaladaas oo kale ee ka wado shaqadaada.

    Mariam Hussein

  7. Deeyoo said:

    Cabdi Daayoow..eebow maxaa laysku haysan waayay miyadan dhagaysan cadde Gaabow oo yiri uma dhalan dhulkan mana laha TARZAN Xamar,,, sow qabiil kama hadlin see wax u fahantaa eebow ma ciise mudulood ayaa reer Mataan dhul u sheegan karaa wa la socotaa dagaaladii Mudulood lagu difaacay ujeejeen kaalintey ka galeen…Reer mataana waa la socotaa inay iska hurdi jireen ciise mudulood lama xaqiri karo ee xayawaan cadde Gaabow meel ha fadhiisto dhulka wa loo dhisaa ujeejeen la’aantoodna mudulood ma jiro la soco…ninkan qolada ka waalayso wa reer Garowe iyo Ali Ghedi kana yeeli mayno…

  8. bella said:

    cade gaaboow ma’iloowyey calanka itoobiyo guri walbaa laga suraa markow lahaay sida inay hooyadii dhashoo kale adiga gobolkaagu waa (adis) soo hoyo adeer!!!!!!!!!!!!!!!!!

  9. wargelin said:

    Mudulood is haysato ma jiraan ee waxaa soo qoray arrinkaan afarta gubatay oo tuugada ah oo minneapolis ku nool ugu horeeyo xoolaha DEEQOW oo mar kasto xado lacagta naagaha joogo minneaplis.

  10. Cabdi Daayoow said:

    labo nin baa siyaasad isku haysatee maxaa beel iyo balaayo meesha keenay.