May 16, 2017 | Posted by admin

War-murtiyeedka:
KULANKA WADATASHIGA WAXAA KA SOO
BAXAY QODOBADA HOOS KU XUSAN:
1) In la helo Dastuur Qaran oo dhameystirin si
looga baxo Dastuurka hadda jira ee ku meel
gaarka ah.
2) In la abuuro Madal ay ku mideysan yihiin
Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS iyo
Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad
Goboleedyada si loo xoojiyo wada shaqaynta
Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.
3) Si loo xaqiijiyo dowrka Dowlad
Goboleedyadda dalka ee ku aadan Dib-u-Eegista
Dastuurka, waxaa la qaban doonaa kulamo
wadatashi oo joogto ah (saddexdii biloodba
mar, ama markii ay jirto xaalad deg deg ah).
4) Madashu waxay ka shaqaynaysaa danta guud,
midnimada Ummadda Soomaaliyeed iyo in
Dastuurka uu noqdo mid Soomaali leedahay
ayna hogaamineyso.
5) In laga wada shaqeeyo in Dastuurka lagu soo
gabogabeeyo muddo labo sanno gudahood.
6) Madashu waxay sahli doontaa daahfurnaan,
xog-isweydaarsi, wadatashi, wadashaqeyn
joogta ah iyo hogaan wanaagsan.
7) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS,
waxay ka shaqeyn doontaa in ay taageerto
Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad
Goboleedyada baahiyooyinkooda kala duwan
sida qalabeynta, tayeynta, tababarada iyo
howlaha dhinaca Dastuurka.
8) In Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ay
ka tala-geliso Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka
ee Dowlad Goboleedyada dalka arrimaha wacyi
gelinta bulshada, waxbarshada madaniga ah iyo
la tashiyada dadweynaha si loo hormariyo
Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.
9) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS
waxay u xilsaarantahay diyaarinta iyo fududeynta
habsami u gudashada howlaha Geedi socodka
Dib-u-Eegista Dastuurka iyo xoojinta xiriirka
hay’adaha ka qeybqaadanaya arrimaha
Dastuurka.
10) Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS
waxay balan qaadaysaa inay Wasaaradaha
Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada ay kala
shaqeyso sidii ay uga heli lahaayeen deeq
bixiyaasha caalamiga ah iyo Dawladda Federaalka
miisaaniyad ay ku gutaan howlahooda
wacyigalinta bulshada ee la xirrirta dib u eegista
Dastuurka.

Maxamed daacad Muqdisho.

[email protected].

COMMENTS