October 22, 2016 | Posted by admin

Wararka Naga soo gaaraya Magaalada Baledweyne Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in  ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya ay xabsiga dhigeen gudoomiyihii ururka Saxafiyihiin Gobolka Hiiraan Jamaal Cali Yare .

Qaar ka mid ah Wariyeyaasha Magaalada Baledweyne oo ay la hadashay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan garaneynin sababta Loo xiray Wariyaha.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay uu jiray khilaaf u dhaxeeyay warbaahinta iyo sidoo kale maamulka Gobolka Hiiraan.

Arinkaan ayaa ku soo beegmayaa Xili Dowlada Soomaaliya ay ugu Baaqday Beeshada Caalamka in ay ilaaliso Horiyada Hadalka Saxafiyiinta.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS