March 5, 2012 | Posted by mukhtar

Koox hubeysan ayaa caawa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ku dishay wariye Cali Axmed Cabdi oo la shaqeynayay bogga Puntlandi iyo idaacad afka Soomaaliga ku hadasha oo ku taalla dalka Canada.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa saxaafada u sheegay in ragga dilka geystay ay ahaayeen saddex nin oo uu afka u duubnaa, iyagoo ka baxsaday goobta falka kaddib.

Warbixin lagu daabacay bogga Puntlandi ee uu la shaqeynayay marxuumka ayaa lagu sheegay in wariyaha uu laba bilood ka hor shaqada bogga joojiyay sababo la xariira qorshe waxbarasho uu damacsanaa inuu u aado dalka Uganda.

Ma cadda sababata iyo cidda ka dambeysa dilka wariyaha.

Soomaaliya waa waddanka ugu horreeya ee wariyeyaasha lagu dhibaateeyo, waxaana dilka Cali Axmed Cabdi uu afar ka dhigayaa tirada wariyeyaasha saddexdii bilood ee la soo dhaafay la dilay (saddexda kale waxaa lagu dilay Muqdisho).

COMMENTS