January 14, 2013 | Posted by admin

Xili wariye C/casiis C/nuur ibraahin uu u xiran yahay Maalintii Afraad taliska dambibaarista somaliya ayaa waxaa soo wajahay xaalad caafimaad.

C/casiis ayaa qaadan waayay cuntadii isagoon heysan adeegyo caaafimaad, waxa uuna dhex jiifaa goob aan nadaafad laheyn iyo askart u muuqda kuwa lagula balamay ineysan asxaan u falin Wariyaha.

Waxaa isbadal muuqaalka guud ee Wariye koronto waxaana ka muuqanaayo bahdil, nadaafad la’aan iyo xanuuno, mana jirto cid xitaa ku soo qaaday in la maxkamadeeyo.

Taasi ayaa waxa ay jabineysaa qodob ka mid ah dastuurka soomaaliya, iyo xuquuqda aaadanaha.

Dhamaan madaxda sare dowlada iyo taliska ciidan ayaa xili waliba waxaa loogu baaqay in ay sharciga waafajiyaan Arinta C/casiis koronto balsa ay ka dhaga adeegayaan.

Dhamaan saxaafada xorta ah ee gudaha iyo dibada ka codsanayaan inay soo daayaan Wariye Koronto hadii aysan cadeeyn waxa ay ku haystaan waan in la ilaaliya sharciyada saxaafada iyo xaquuqda wariyayaasha.

COMMENTS