February 25, 2017 | Posted by admin

Wargeys caan ah oo kasoo baxa dalka Norwey laguna magacaabo Dagbladet ayaa sanadkii hore qoraal lagu qoray waxaa lagu saadaaliyay in Xasan Cali Kheyre uu xil muhiim ah ka qaban doono gudaha Soomaaliya.

Waxa uu daabacay Wargeyska bishii Agoosto ee sanadkii 2016 in Xasan Cali Kheyre oo ahaa muwaadin heesta dhalada dalka Norwey uu gudaha Soomaaliya ka noqon doono Wasiir doorashada kadib.

Wargeyska ayaa qoraalkan uu qoray waxa uu ciwaan uga dhigay ” Shirkada uu Hogaamiyo Xasan Kheyre waxaa ku socda baaritaan laakin Khubarada ayaa aaminsan in uu Wsaiir ka noqon doono gudaha Soomaaliya.

Qoraalka lagu daabacay Wargeyskan ayaa xiliga la soo saaray waxaa socday baaritaano ku aadan eedeymo loo jeediyay Shirkada Som Oil and Gas, uu Xasan ka ahaa madaxa bariga Afrika sidoo kale kamid ahaa raga saamiga ku leh shirkadaasi, inkastoo markii dambe dambi lagu waayay shirkadaasi

Wargeyska ayaa xiliga uu warkan daabacayay soo qaatay Sawir uu Xasan Cali Kheyre kula jiray Boqoradda dalka Norwey Sonja Haraldsen iyo Xog-hayihii hore ee hay’adda NRC Elisabeth Rasmusson, waxa ayna xiligaasi ku sugnayaeen xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

Sawirka uu soo qaatay Wargeyska ayaa lagu dul qoray in Xasan Cali Kheyre uu yahay nin aad u saameyn badan sidoo kale awood badan ku dhax leh beesha uu kasoo jeedo sida uu Wargeysku sheegay.

Stig Jagle Hansen oo ah Cilmi baare wax badan kala socda arimaha Soomaaliya ayaa Wargeyska Dagbladet u sheegay sanadkii hore in Xasan Cali Kheyre uu noqon doono qof saameyn badan leh sidoo kale xil muhiim ah ka qabta Soomaaliya doorashada kadib.

Wargeyska Dagbladet saadaasha uu bixiyay sanadkii hore ayaa u muuqata mid rumowday, waxaana shalay subax Xasan Cali Kheyre loo magacaabay in uu noqdo Ra’isul Wasaaraha cusub ee Xukuumada Soomaaliya.

Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS