January 14, 2015 | Posted by admin

150109182941_france_riot_police_512x288_reuters_nocredit
Qiyaastii saddex milyan oo nuqul oo ah wargeyska maadeysiga ee dalka Faransiiska ee Charlie Hebdo ayaa maanta lagu iibinayaa guud ahaan caalamka oo dhan isbuuc kaddib markii rag hubeysan ay xafiiska wargeyskaasi ku dileen siddeed weriye iyo afar qof oo kale.
Daabacaaddani cusub ee wargeyskani ayaa muujinaya sawir gacmeed laga sameeyay Nabi Muxammed Naxariis iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee.
Waxaa la rumeysan yahay in sawir gacmeedyo hore oo noocani ah ay sababeen weerarkaas dhiigga badan uu ku daatay.
Daabacaadda cusub ee wargeyskani Charlie Hebdo ayaa wali ku sii adkeysanaya maadeysigiisa mararka qaar abuuraya carada ee ku soo baxa afar iyo tobankiisa bog ee sawir gacmeedyada af-lagaadada iyo faalooyinka looga looga shactireysto diinta, siyaasadda iyo dadka haya xilalka.

COMMENTS