November 2, 2012 | Posted by admin

Waxaa soo kordhaya maalmahan is qab-qabsiga ka dhaxeeya qabaa’ilada Soomaaliyed oo mar waliba wajiyo cusub lamqalo. Waxaa soo ifbaxaya muranka ka taagaan Beesha Xawaadle masuulkii xilka wasiirka ay u helaan u qabaln lahaa.

Usbuucii aan ka soo gudubnay ayaa waxaa aad loo hadalhayay Musharaxa Beesha Xawaadle ee jagada Wasiirnimo qabanayo masuul aqoonyahan ah oo aan si weyn Muqdishu looga aqoon balse aad looga yaqaan Waqooyiga America magaciisan lagu sheegay Dr. Omar Yusuf Nur balse maalmo kahor ayaa waxaa soo baxay war sheegay in madaxweynaha lagu qanciyay masuul kale oo isna aqoonyahan ah kana yimid dalka Canada lana yiraahdo Dr. Abdirisaaq Omar balse waxuu taageera badan ku helay inay jufadiisa aaysan laheyn Xildhibaan, halka Dr. Omar Yusuf jufadiisa heshay Xildhibaan taasna waxay ka horimaanaysaa isabadalka dalka inuu galo la doonayo.

Wararka ayaa sheegaya inuu soo baxay ninkale magaciisa layirado Profesor. Wehiliye oo asigana magac weyn ku leh beesha Xawaadle ninkaasoo  dadka qaar aaminsanyihiin inuuba Macalin ama Maamule u ahaa Madaxeyne Xasan Shiikh xiliguu ardayga iyo macalinka ka ahaa muqdishu.

Dadbadan oo aqoonyahano ah ayaa ku macneeyay in Dr. Omar Yusuf Nur uu aqoon durugsan u leeyahay maamulka dowladnimo heer waxbarasho Dr. Omar waxuu ku caanbaxay nidaamka siyaasadeed iyo kan maamul waana masuul ka dhex-muuqda bulshada Soomaaliyeed ee Qurbajoogta ah kuna nool waqooyiga Ameerika.

Ugu dambeyn la arki Sedexdaa nin kii Alla ugarto inuu kursigaa helo.

DUHUR MEDIA

MUKTAR KATIITOW

COMMENTS