December 10, 2012 | Posted by admin

Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Dhega-badan ayaa sheegay in Ciidamada milateriga ay ka baxsan yihiin magaalada, waxuu sheegay in Taliska Milateriga Soomaaliya inay gelinayaan gudaha Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid kuwaas oo la wareegidoona magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

“Magaalada waa ka baxsanahay, waxaa deganahay koonayaasheeda, waxaa soo geli doona boolis iyo nabadsugid oo ammaanka sugi doona, kuwa qaraxyada wada ka hortagaya” ayuu yiri Jen. Dhega-badan.

Jen. Dhega-badan ayaa sheegay in qorshahooda uu ku saleysan yahay in meel walba oo ka mid ah dalka ay gaareen, isagoo tilmaamay in ujeedkooda kaliya aanu aheyn Jowhar.

“Qorshaha-yaga wuxuu ku saleysan yahay inaan meel walba tagno, jowhar kali ma beegsan doono, kooxaha jid iyo jaha-diid tuulo xataa kuma sugnaan doonaan” ayuu yiri Jen. Dhega-badan.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay inay furi doonaan wadada laamiga ee isku xira Jowhar, Beledweyn iyo Buulo Burte, isagoo ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada Qalabka sida.

Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo AMISOM ayaa shalay ayadoo dhiig ku daadan kula wareegay magaalada Jowhar oo qiyaastii Caasimada Soomaaliya u jirta 90-KM, Kooxaha Islaamiyiinta ayaa Jowhar u ahayd meel muhiim u ah oo weeraro uga soo abaabuli jiray Caasimada dalka ee Muqdisho.

COMMENTS