October 24, 2012 | Posted by admin

Wararka aan ka helayno ayaa sheegaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay soo gaareen ciidamo ka mid ah NATO iyaga oo kasoo degay xeebta dekada Kismayo.

Ciidamadaan oo aad u farabadan ayaa waxaa la socday saraakiisha NATO, waxaana la sheegayaa inay saarnaayeen markab dagaal oo goor dhaw kusoo xirtay dekada magaalada Kismaayo oo ay kulan qarsoodi ah kula galeen saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Warar hoose oo aynu helayno ayaa waxay sheegayaan in kulankaan uu ka socdo gudaha dekada Kismaayo waxaana kuwada sugan gudaha dekada saraakiisha NATO, Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya wuxuuna ku saabsan yahay sidii loo xoojin lahaa dagaalada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab iyo in laga hortago in hogaamiye kooxeedyo qabsadaan Jubooyinka ama beelo ka mid ah beelaha wada dega Kismaayo.

Dhanka kale mid ka mid ah saraakiisha dowladda Soomaaliya oo magaciisa ka gaabsaday ayaa inoo xaqiijiyay in ciidanka NATO ay markabka kasoo dejiyeen hub badan oo ay ku wareejiyeen saraakiisha ciidamada dalka Kenya iyo kuwa Dowlada Federalka Soomaaliya.

COMMENTS