March 14, 2018 | Posted by admin

Siyaasiin Badan ayaa Ila Soo Wadaagay Fikir ah in ay Umuuqato Mooshinka Laga Keenay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari Mid Lagu Daboolayo Arintii Ber bera.

Xildhibaanada oo Aan Waqti Badan Shaqeyn ayaa Gorada La Galay Mooshin Kale oo Kala Qaybiyay Gudoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.

Waxaa Loo arkaa in uu Daboolayo Go’aankii Dowlada Soomaaliya ay Ka qaadatay Heshiiskii Ber Bera ee DP WORLD.

Hadii uu Sii Xoogaysto Mooshinkaan Waxaa Meesha Ka baxaysa Arinta Ber bera ee Soomaaliland Aragtida Kale Gelisay, Go’aana Kala Duwana ay Horay Uga Soo Kala baxeen Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa La Aaminsanyahay in dhowr jeer ay Mooshin Ka Keeneen Madaxweyne, Ra’isul Wasaare, Gudoomiye Baralamaanka, Saxiixyo Iyo Heshiisyo Kale.

” Waxaa Xaqiiqa ah in Mooshin Kasta ay Ku Baxdo Qarashaad Fara badan uu Dalku U baahan yahay, Taas oo Qas baysa in ay Baxshaan Shaqsiyaadka Mooshinka Wado, si ay u sii Xoojiyaan Awoodooda, Iyo Kuwa Mooshinkaas Laga Wado iyo Shaqsiyaadka Taageersan, Si Loogu Fal helo In uu siiyo Mooshinka Ruuxa Laga Wado

Awooda golaha shacabka ayaa u Muuqata Mid La faham san yahay, Taas oo shacabku isla dhex-Qaadayaan Arin Hebel Xildhibaanada ayaa Mooshin Ka Keenaayo,

Balse Siyaasiin Badan ayaa Aaminsanaa in Kalfadhiga Golaha Shacabka uu Saameen Doono Wasiirka Koowaad ee Dalka Mudane Xasan Cali khayre, oo Goluhu Mooshin Ka Keeni Karaan.

” Lama Oga Halka uu Ku dambeyn Doono Khilaafkaan iyo Mooshinkaan Cusub.

W/Q Mohamed Hussein Ahmed Daacad

Mxuseen973@gmail.com

received_1940203056233381-1

COMMENTS