December 17, 2013 | Posted by admin

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari, ayaa sheegaya in xalay uu Magaaladaasi ka dhacay qarax noociisa uu yahay bambada gacanta laga tuuro oo khasaaro geystay.

Qaraxan ayaa waxaa lagu tuuray banaanka hore ee Hoteel Rooble Magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan maxkamada Gobalka Bari ee Puntland.

Hal qof ayaa geeriyooday halka ay ku dhawaacmeen 3 qof oo uu ku jiro xeer ilaaliyaha guud ee gobalka Bari Bashiir Hoobaley.

Dhawaaca soo gaaray xeer ilaaliyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka maxkamada ayaa la sheegayaa in uu yahay mid fudud oo aan sidaasi usii badneyd.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ku agyaala Saldhig ciidan waxaana durba soo gurmaday ciidan ka tirsan kuwa Puntland oo dadkii dhaawacmay caawiyay.

Xilliyada qaar Boosaaso waxaa ka dhaca falal lidi ku ah dhanka ammaanka ah, waxaana lawada xasuustaa qaraxii ka dhacay Boosaaso ee noociisa uu yahay ismiidaaminta inay dad badan ku dhinteen qaar kaloo badana ay ku dhaawacmeen.

COMMENTS